Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab oo soo buuxiyay Degmada Jilib “Daawo Sawirada”

Dagaal-yahano badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay gaareen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, oo ay si buuxdo uga arrimiso Al Shabaab.

Duleedka Degmada Jilib, ayaa waxaa gelinkii dambe ee Isniintii lagu duqeeyay, kolonyo ay la socdeen Saraakiil sar sare oo Ururka Al Shabaab ka tirsan. Waxaana lagu dilay xubin uu kamid yahay Madaxii Weerarada Ishtihaadiga ee Ururka Al Shabaab Ibraahim Cali Cabdi “Anta Anta”.

Ma cadda cidda dhabta ah ee fududeysay weerarka qorsheysan ee lagu qaarajiyay Ibraahim Anta Anta. Laakiin waxaa la ogyahay in Shabaabku dhexdooda, ay is basaasaan.

Ciidanka Ururka Al Shabaab ee gaaray Degmada Jilib, ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay isaga kala yimaadeen Deegaanada Gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiisha Ururka Al Shabaab, ayaan weli wax war ah ka soo saarin, hawlgalka gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Ibraahim Anta Anta, oo Ururka dhexdiisa looga yeeri jiray Abuu Cali.