“Dawlada Hoose Ee Borama Waxay U Baanhan Tahay Badbaado Qaran” Xildhibaan Kacab

Xildhibaan Maxamed Muumin Aadan (Kacab) oo ka mid ah golaha degaanka ee degmada Boorama
ayaa gabi ahaanba dhaliilay hanaanka shaqo ee golaha degaanka ee uu ka tirsan yahay, waxana uu ku tilmaamay mid u baahan badbaado heer qaran ah,

Xil. Kacab waxa uu ugu horayntii daboolka ka qaaday in habka miisaaniyada ee uu golahu ku dhaqmo maanta uu yahay mid yabyab ah oo aan la haysan hanaanka golaha degaanka loo dajiyay waxana uu yidhi “Golahayaga degaanka ee cusub waxa uu ka leexday habkii hufnaanta lahaa ee loo diyaarin jiray loona ansixin jiray miisaaniya, habkan oo ahaa mid si wayn looga shaqeeyay oo ay golaha u dajiyeen golahii ka horeeyay, miisaaniyadaas oo ahayd in lagu dhaqmo laguna shaqeeyo sanadkan 2013.

Tusaale ahaan miisaaniyada ku jirtay looguna talo galay shidaalka waxa ay ahayd in la isticmaalintii 72 litir oo shidaal ah si loogu fuliyo hawlaha golaha degaaka, arintas waan khilaafnay waxana iyada oo aananan ku salayn caqliyad aan iska qoranay inaan isticmaalno 140 litir maalintiiba.

Xil. Kacab waxa kale oo uu xusay in lixdii bilood ee u dambaysay ay dawlada hoose ee Boorama ka jirto isku daadsanaan dhinaca xisaab xidhka ah “Wax aan codsanay in la hor keeno xisaab xidhkii lixda bilood ee u dambeeyay taasuna ma hayno, waxana meesha ka muuqata in uu jiro musuqmaasuq aan indhaha la iska qaban karin oo ku lamaan hanaanka xisaabaadka, waxana ay tani u baahan yahay in la daba galo oo xisaab celinta laga dhigo mid waajib ah”

Xil. Kacan waxa kale oo uu ka dayriyay waxa uu ugu yeeshay boobka iyo bililiqada laga hayo dhulka danta guud ah, waxana uu yidhi “Waxa ka socda D/Hoose dhexdeeda olole la doonayo in dhulkii danta guud ahaa loogu wareejiyo ashkhaas gaar ah, waxana dhulka ay fartu ku godan tahay in la musuqmaasuqana u dhaw ka mid ah Dhulkii warshadii Laydhka ee Boorama iyo Dhulkii kaalinta shidaalka ee Boorama waxana uu walaaca ugu wayni daaran yahay in dhulkaasi lagu wareejiyo ganacsato gaar ah oo reer Boorama ah.

XIldhibaan ahaan waxa aan aad uga dayrinayaa xaalka ay ku sugan tahay D/Hoose ee Boorama waxana muuqata in waajibkii la noo soo doortay uu noqday mid garbaha laga duubay sidaas aawadeed waxa aan sheegayaa in ay D/Hoose ee Boorama u baahan tahay badbaado qaran.

Xildhbaan Maxamed Muumin Aadan(Kacab)
Borama, Somaliland