DEG DEG:Wariye ushaqeeya TV-ga Universal oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

news

Warar goordhaweyd soo gaaray xafiiska Warqabadka Shabakada Warbaahinta Salaanmedia ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in rag hubaysan ay dhaawaceen wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo ka tirsan shaqaalaha Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo kasoo ambabaxay gurigiisa oo ku yaala nawaaxiga suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ayaa rag hubaysan waxa ay ku dhaawaceen halka loo yaqaan isgoyska Korontada ee isla Degmadaasi Wadajir.

Kooxaha falka dhaawaca ah ugeystay Wariye Tima Cadde ayaa doonaya inay gabi ahaanba dilaan wariyaha hayeeshe aysan usuuragelin dilkiisa.

Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde ayaa kamid ah howlwadeenada Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho, wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaciisa uu yahay mid fudud.

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa dhaawaca Wariyaha, halkaasi oo loola cararay, kadib markii raga hubaysan ay rasaasta ku dhaawaceen.

Muqdisho ayaa maalmahan dambe waxaa si aad ah uyaraaday beegisga lagu hayn jiray bahda saxaafada, iyadoo hada xaalada umuuqato mid soo labakaclaynaysa.

Salaanmedia/Mogdisho

Â