Dowlada Britain Oo Cadaysay In Gabadh Soomaali Ah Laga Soo Tahriibiyay Lana Keenay Dalka Ingiriiska Si Loogala Baxo Xubno Muhiim

Oct 21, 2013 London(SM) – Gabadh yar oo dhalashadeedu Soomaali tahay ayaa la sheegay in laga kaxeeyay gudaha Soomaaliya lana geeyay Dalka Britain halkaas oo markii la geeyay kadib lagala baxay xubno muhiim ah oo jirkeeda kamid ah.

Dowlada Britain ayaa sheegtay in gabadhan yar in Soomaaliya laga soo tahriibiyay loona keenay dalka Ingiriiska sidii loo gala bixi lahaa Xubno Muhiim ah oo jirkeeda kamid ah sida Kilyaha iyo Xubno kale oo Muhiim ah.

Warkan ayaana lagu shaaciyay Warbixin ay Dowlada Britain ay kaga hadleysay korarka dadka lasoo xado ee dalkooda la keeno si loogala baxo xubno muhiim ah oo jirkooda kamid ah.
Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in uu sara u kacay boqolkiiba 50%, dadka lasoo xado ee la keeno Dalkaasi kadibna lagala baxo xubno muhiim ah oo jirkooda kamid ah , illaa iyo hadda dowladda Ingiriiska waxa ay diiwaangalisey 371 qof oo qaabkani lagu geeyey Britain.

Gabadhan Soomaaliya u dhalatay ee sida Tahriibta ah lagu geeyay Dalka Ingiriiska kadibna lagala baxay Xubno muhiim ah oo JIrkeeda kamid ah ayaan wali la shaacin magaceeda iyo xaalada ay hada kusugan tahay.

Bile Yusuf Maxamed

Salaanmedia London Office