Electricity Wire: Shilalka Ka Dhasha Xadhkaha Laydhka Oo Sababa Gubaasho Iyo…..

HargaysaElectricityWire

Tayo Darada Dab-deemiska (Firefighters)- Oo Sabaabtay In U Guri Ku Bas-beelo Xafada Sheikh Nuur+Khatarta Xadh-kaha laydhKa E Shirkaadaha privateka Ay Ku Hayan Bulshada

Beryahan waxaa casiimada kusoo kor dhaaya shilalka ka dhasha xadhkaha laydhka (Electricity Wire) oo sababa gubaasho hantida ma guurtada ah mararka qaarkoodna sababa khasare naffeed taaso aan laga hadal.

Hadaba waxaa maalinti jimcihii gelinki danbe u daab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargeisa gaar ahaana xafada sheikh nuur ee degmada gacan-libaax dabkaaso ka dhashay sida ay xaqiiji yeen dadka jaarka ahi in u shoodh qabsaday jin-gada sare ee guriga dabeeto ay ku war-helleen dabka oo mar kali ah wadaa gaadhay guriga,isla markaana u gurigu bas belay oo anay wax hanta ahi ka bad-baadin oo xatta ay gidaaradi dummeen.

Waxaa la wacay isla wakhtiga u dabku ka kacaay guriga xaruumaha lagu tuhmaayay dab-deemiska waxana lagu war geeliyay shil dab ka dhacay goobtaas,waxaa dadku hadal haynta u badan ku sabaabiyeen goorta ay yimaadeen baabuurka dab deemisku u ahaa wakhti dheer iyo tababar la”aanta haysata shaqaalaha dabdeemiska oo aan u carbisnayn la tacaalidda xaladahaas oo kale.

Hadaba markay xaladaas oo kale timmaado maxay ugu tallo gashay dawladu ?

Maxaase sharci ah ee uga meel yaalla xukuumadda,sidi lo kala saari lahaa shirkadaha laydhka iyo shacabka ku hanta waayay khaladka dabka ee shoodhka.

Yaa loga cabaana khasaraha ku yimmi dayac-naanta sharciyeed iyo xilkaas darada shirkadaha laydhka ?

Waxaa xusid mudan in isla gurigani u sidaan oo kale ku bas belay xadhkaha laydhka markay taariikhdu ahaayd 11/ 16/2010 xili gaas oo anay waxba ka bixin sidaan oo kale, wax gurmad ah oo ka yimmid xagga dawlada iyo kuwa khasaraha lo anaynaayay laydhkooda, sidu u sheegay mulkiilaha guriga Xasan Maxamed Daahir u sheegay in ay aad ugu mahad celinaaya wasarada duulista iyo hawada oo ahayd ta kali ee kasoo jawaabta qaylo dhaanta dadweynaha ee dhanka dab-deemiska

Hadaba waxaa ay dadweynuhu is waydiinayaan qofka ama guriga u laydh gubba ma nin dameer dillayba?

Qalinki

Cabdi asiis Bashiir Nuur

Hargeisa/Somaliland
c.casiis98@hotmail.com