Fariin ku socota Bulshada Somaliland ee ku dhaqan UK.

_______________________________________________________________________________

Fariin ku socota Bulshada Somaliland ee ku dhaqan UK.

SSUK-LOGO1

Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) waxay aad u soo dhoweynaysaa xubnaha ka tirsan guddida xukuumada Somaliland u xil saartay dhismaha iyo qaadhaan ururinta jidka Burco – Ceerigaabo ee la filayn in ay soo gaadhaan maalmahan fooda inagu soo haya UK.

Mashruuca jidku wuxuu  halbawle u yahay horumarka, isku socodka bulshada iyo ganacsiga, wax weyna ka tari doona  kobcinta dhaqaalaha Somaliland, hirgelintiisuna waxay u baahantahay inaynu dhiiri galino dhaqdhaqaaqa  guddida oo aynu dhamaan wax ku darsano dadaalka loogu jiro dhismaha jidkaas xayawiga ah.

Waxay Jaaliyada Somaliland UK  ka codsanaysaa dhammaan bulshada Somaliland ee ku nool dalka UK inay aad u soo dhoweeyaan xubnaha guddida, una fududeeyaan hawlahooda.

 Waxaan idinku boorinaynaa ,ha yaraato ama badnaatee inuu qof waliba wax ku darso mashruuca.

( Daawanaayow waa dalkaagii ).

 

Wa billaahi tawfiiq,

Guddida / Jaaliyada Somaliland UK

Â