Foosiya Yuusuf “Mareykanka noogama baahna inuu ogolaansho na weydiisto, weeraradan oo kale”

foosiya

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Adam ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan tallaabadii Ciidamada Kumandoska Maretkanka ku weerareen guri ku yaal degmada Baraawe, halkaasoo uu degenaa Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.

Foosiya Yuusuf ayaa sheegtay in aanay marnaba u baahneyn in ogolaansho laga weydiisto weerarada ay fulinayaan Ciidamada Mareykanka, maadaama ay sheegtay inay leeyihiin Cadaw guud.

Wareysi ay siisay Telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay leeyihiin hal cadaw oo Argagixiso ah, waxaana ay xustay in iska kaashanayaan la dagaalankooda.

“Waxaan la dagaalameynaa hal cadaw oo argagixiso ah, mana dooneyno in wax amar ah nagala qaato weerarada lagu ugaarsanayo Argagixisada”ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Ciidamo Kumandoska Mareykanka ayaa 5-tii October weeraray guri ku yaal xeebta Baraawe, waxaana bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa Sarkaal lagu magacaabo Abdikadir Maxamed Abdikadir oo loo yaqaano Ikrima.

Salaanmedia/Mogdisho