G.ku xigeenka qaarada yurub ee XISBIGA WADDANI oo u diraya Hambalyo ku Aadan Ciida Dhamaan Shacabka Somaliland:-War-saxaafadeed XISBIGA WADDAN yurub

Kulu Caam Wa-antum Bikhayr ,ciid mubark,,,,,

Waddani

14,oct, 2013.. Gudoomiye ku xigeenka qaarada yurub ee XISBIGA WADDANI  Abdirahman Ahmed Farah (Al-maraaci)  ayaa halkan caawa Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda somaliland meel kasta oo ay joogaan.

 

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xubnaha iyo maamulka XISBIGA WADDANI ee qaarada yurub, waxaan halkan Hambalyada Ciida uga dirayaa dhamaan ummada somaliland in uu Ilaahay ku gaadhsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban. Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo Xajka iyo ducooyinkaba” ayuu yiri Gudoomiyuhu oo dhanka kalana sheegay in. Ciidu  muhiimad gaar ah u leedahay dadka Muslimiinta ah, waana maalin weynaynteeda qiimo weyn ugu fadhida dhamaan shucuubta Muslimiinta ah. Waxaa farxad isugu yimaada bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,

 

“Waxaan halkan baaq uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadan Ciida dhamaan shacabka somaliland inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalina ilaashadaan dalkooda hooyo ee somaliland ”

 

“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa Xisbiyada qaranka,,Xukuumada,, Guurtida ,,Barlamanka ,,shacabka somaliland iyo ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya waddaninimo,  Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada iyo aqoon yahanka doonaya isbadelka iyo horumaku in ay taageeraan,codkoodana siyaan XISBIGA WADDANI oo ka dhabaynaya himiladooda  iyo horumarka somaliland”

 

Ugu danbayntii Gudoomiyaha ayaa sheegay in somaliland ay gaadhsiinayaan  haday yihiin XISBIGA WADDANI halkii aynu u soconay ee ahayd siyaasad wanaagsan, horumar,cadaalad, dhaqaale, iyo adeegayada  bulshada sida caafimaadka, tacliinta, biyaha iyo wadooyinka oo tayadooda kor loo qaado,, XISBIGA WADDANI waxuu ka shaqaynayaa  sidii ay waddaniyiinta Somaliland u heli lahaayeen nabad galyo taam ah,,cadaalad iyo sinaan, taasna loo baahan yahay in ay shacabka somaliland taageeraan XISBIGA  WADDANI si wadanka loo gaadhsiiyo horumar ka muuqda dalkooda oo dhan iyo cadaalad waarta,  ictiraafka somalilandna loo garaaco albaab kasta oo uu ku xidhan yahay ilaa inta laga gaadhayo aqoonsi buuxa…

 

Alaa mahad oo dhan leh

taageer.wadani@hotmail.com