Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Waqooyiga Wadanka Uganda

newslogo2

Sida ay baahisay Jariirada Sunday Monitor, ayaa waxaa Waqooyiga Wadanka Uganda lagu dilay ganacsade Soomaali ah, oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/raxmaan.

Ganacsadahaan, ayaa wuxuu ka ganacsan jiray dahabka, waxaana lagu dilay Degmada Nakapiripirit ee Gobolka Mount Moroto.

Rag hubeysan oo burcad lagu sheegay, ayaa waxay marxuumka ay ku dhex dileen Xaruntiisa ganacsi, iyagoona dhac kula kacay wixii hanti ah, ee uu lahaa.

Okot Obwona, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Mount Moroto, oo la hadlay Jariirada Sunday Monitor, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay baxsadeen kuwii dilka iyo dhacaba geystay.

Laakiin Taliyaha, ayaa wuxuu xusay inay ku daba jiraan burcadaasi, isla-markaana uu soconaayo sida uu sheegay baaritaano ka dhan ah, falkii ay geysteen.

Kooxaha budhcada ah ee dalka Uganda u dhashay, ayaa waxay xilliyada qaarkood ay falal dil, dhaawac iyo dhacba, ay kula kacaan ganacsatada Ajaaniibta ah, ee dalkaasi ka ganacsada.

Salaanmedia/Mogdisho