“Golaha Wasiirrada ayaanu ugu horraysiinay Khamiistii hore waxa ay ku deeqeen $100,000 Wasiir walba waxa laga jaray $2180 ayaa laga jarayaa” Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan

(Hargeysa-SM) Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay u qoondeeyeen inay ugu deeqaan Mashruuca dhismaha wadada Ceerigaabo lacag gaadhaysa $100,000 dollar, isla markaana Wasiir walba mushaharkiisa laga jari doono lacag dhan 2180 mudada sanadka ah oo noqonaysa bishii $181. Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay in Markii Madaxweynuhu codsi u diray hay’adaha Baarlamaanka iyo Garsoorka oo xukuumada ka madaxbanaan in Baarlamaanku ansixiyey in xildhibaan walba $100 dollar uu mushaharkiisa bishiisa uga qoondeeyo dhismaha waddadaasi, waxanau intaasi ku daray wasiirku in dhammaan shaqaalaha dawladda ee ka hooseeya Wasiir ay lacag uga qoondeeyeen in laga gooyo si loogu dhiso waddadaasi.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Munaasibad ay ku qalinjabinayeen Arday ka tirsan Jaamacada New Generation ee magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaan maalmahan u ololaynayey mashruucii ugu balaadhnaa khaasatan mashruucii wadada Ceerigaabo, waxaan leeyahay waxbaynu qabsan karnaa waxaas oo dhan inaga ayaa soo qabsanay, wadooyinka waynu dhisan karnaa, wadooyinku waa shilimo la isku geeyey, waxa aynu mucaawino dalabnaa shilimo la soo ururiyey ayuunbaa la inoo keenaa, cidina diyaar uma aha inay Laamiyo inoo dhisto hadii hore la isugu dhisi jiray, dunidii maslaxad bay gaadhoo waxay ku waydiinayaan Maslaxad.

Waxaan leeyahay aynu dalkeena usoo jeedsano oo aynu garano inaynu wax qabsan karno, waxna dhisan karno oo aynu gaadhi karno, waxa xusid mudan oo aanu qorshaynay in wadada Ceerigaabo aanu waydiino sidii aanu usoo gudbinay Baarlamaanka in loo saaro cashuur Xoolaha $0.5 iyo in gaadiidka loo saaro wax mucayin ah, gaadiidka gaar ahaan waxa aanu ugu talo galnay kuwa wadooyinka dhaadheer maraya, inkasta oo Xeerkii imika caam laga dhigay. Waxaanay ahayd in dawladu ay muujiso go’aanka dadkuna ay u diyaar garoobaan wixii laga qaadayo, waxaanu u qoondaynay 4 Milyan lacag gaadha oo loogu talo galay, waxaanan rajaynaynaa in taasi samayn doonto 40Km hadii Allaha awooda lihi ogolaado. Kagamaanaan hadhin intaas oo kaliya waxaanu dawlada u bandhignay iyo golayaasheeda kala duwan in laga qayb qaato Contribution-ka oo inta dawlada u shaqaysa ee mushaharka ka qaadata inay bixiyaan Contribution-ka ugu horeeya inta aan wax la waydiin kuwa kale.

Golaha Wasiirada ayaanu ugu horaysiinay khamiistii hore waxa ay ku deeqeen $100,000 Wasiir walba waxa laga jaray $2180 ayaa laga jaray in ay sanadka bixiyaan, sidoo kale waxa Madaxweynuhu codsi u gudbiyey maadaama oo ay tahay hay’add Madaxbanaan labada gole ee Baarlamaanka iyo Garsoorka, waxaanaynu ognahay in shalayto ay Baarlamaanku Ansixiyeen in xildhibaan walba $100 dollar laga gooyo. Kagamaanaan hadhin intaas oo kaliya haday tahay wixii ka hooseeya wasiirada ha noqdo Agaasime, Maareeye, Shaqaale ama Askari lacagbaa loo qoondeeyey in laga jaro, waxa se xusid mudan in aanaan odhan uun mushaharkooda ka goosta markaa yaanay mucaaridku moodin galdaloolo ay leeyihiin halkaa ka weerara ee Mushaharkoodii baanu u kordhinay markaanu u kordhinayna waxbaanu ka goosanay, maaha uun wax ka gooyee u kordhiya oo iyaga oo faraxsan uun wax ka gooya ayaanu is nidhi, askariga ayaa ugu hooseeya oo $3 dollar ayaa laga gooyey oo ay ku deeqeen.

Waliba waxa aan doonayaa in aan halkan ka xuso oo aan aad iyo aad ugu hambalyeeyo labada Taliye ee ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Cabdilaahi Fadal, labaduba waxa ay ahaayeen labdii maalintii Madaxweynuhu dhagax dhigay wadada inay isla markiiba shir jaraa’id qabtaan oo ay yidhaahdaan deeqda koowaad ayaanu ciidamada hadaanu nahay bixinaynaa, maxaa sababay? Dalkay malaha inooga lexejeclo badan yihiin, HAA dhiigiisa ayuu ku bixiyaa, habeenoo dhan gaadh ayuu ka hayaa adiguna waad ku seexataa, waxaan leeyahay dhamaan muwaadiniinta ka qayb qaata, bandhig ayaanu insha allaah ku soo bandhigi doonaa waxa aanu qabanayno iyo sida aanu u qabanayno”.

Xigasho: Wargeyska Haatuf

Salaanmedia/Hargaysa