Gudigga Dhaqaalaha Ee Wakiilada Oo Mudaneyaasha U soo Jeediyay Ansixinta Miisaaniyada

Gudigga Dhaqaalaha Ee Wakiilada Oo Mudaneyaasha U soo Jeediyay Ansixinta Miisaaniyada

Oct 7,2013 Hargaysa(SM)Gudiggu waxay Ku Baaqday In Golaha la Horkeeno Ha’yadaha Miisaaniyada ku jira ee aan sharciyadooda la Ansixin Gudigga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta warbixin ay horgeeyeen aqalkaasi waxay ku baaqeen in la ansixiyo miisaaniyad sanadkeedka qaranka ee 2014-ka ee dhawaan ay wasaarada Maaliyaddu u soo gudbisay Golaha.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Gudoominayay Guddoomiye C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxay gudiga dhaqaaluhu xildhibaanadda ka dalbadeen inay meel mariyaan miisaaniyaddan.
Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Md. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-xaashi, ayaa Golaha ka akhriyay warbixin dheer oo la xidhiidha daraasado kala duwan iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyeen ujeedooyinkii iyo siyaasaddii ay xambaarsanayd odoroska miisaaniyad sanadeedka.
Warbixintaasi oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan:-

1. HORDHAC
Mudanayaal sida aad ka war qabtaan waxa aanu mudo kooban haynay Odoroska Miisaaniyadd Sanadeedka Qaranka ee 2014ka si aanu uga gudano waajibaadka dastuuriga ah.
Miisaaniyadu waa halka laga garan karo dhaqaalah wadanka iyo isbadalkiisa, iyo siyaasadu guud ee xukuumadu dhaqaalaha ka leedahay.
Miisaaniyada sanadkan waxay dhan tahay qadar dhan 1,276,033,716000 SLSHoo u dhiganta dollar ahaan $212,672,286 taas oo u kula baxda sidan:
1. Miisaniyaadda dawladda dhexe oo dhan 912,000,000,000 una diganta $152,000,000.
2. Miisaniyaada Hayaddaha Madaxa Banan (Banka, Dekkadda, Wakaladda Bihyaha Madbacadda Iyo Korontadda IWM.) oo dhan 153,197070,793 SLSH una dhiganta$25,532846.
3. Dawlahada hoose oo dhan 129,836,638,953 una dhiganta 21,639,440.
4. Deeq ay balan inoogu qaadeen Denmark Iyo Brittan 81,000,000,000SLSH una dhiganta $13,500,000.
5. Missaniyadan oo ay ka dhex muuqdaan korodh mushaharo shaqalaha iyo ciidanamdda oo ah 20% korodhka gunnadda agaasimyasha guud oo noqonaysa 3000,000SLSHqofkiibabishiiba iyo agaasime waxeedyadda ay u kordhaysa 600,000SLSH qofkiiba oo ,waxaa sidoo kale ka dhex muuqda kharashka loogu talo galay diwaangalinta codbixiya yasha (voter registration ) oo dhan 6,000,000,000SLSH. Waxaa sidoo kale xusid mudan kharashka ku kordhaaya darajadda ciidanka oo dhan 23,244,904,000SLSH.
6. Waxay miisaniyadu si cad u qeexaysaa siyaasada guud ee miissaaniyadda oo ka kooban sadex iyo labaatan qodob oo ay ka mid yihiin qodobo golahani hore u soo jeediyay kuna lifaaqnaa miisaaniyadihii tan ka horeeyay
7. Waxa ka muuqata miisanayadan korodh xaga dakhli ururinta ah ee miisaaniyadii 2013kii iyo odoroska miisaaniyada 2014ka.
2. KULAMADDA DHEXMARAY GUDIDDA Dhaqaalaha IYO
A) WASARADDA MALIYADDA IYO HAYADAHA MADAX BANAN.
1. Kulanka Wasaaradaa Maliyada iyo Gudiga Dhaqaalaha.
Gudidu waxay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Casiis Mohamed Samaale si ay uga xog waraysato nuxurka ay xambaarsan tahay miiisinyadda 2014 waxayabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa
ü Korodhka Miisinyadda
ü Kordhinta Mushaharka Shaqalaha Iyo Ciidaamadda
ü Hayadaha aan Sharcigooda golaha la hor keenin
ü Madaxa loogu magac daray hab maamulka khasnadda dawladda oo dhan 165,327,174,774SLSH.
ü Hayadaha iyo Wasaaradaha ay ka muuqato kharash badan sida TV qaran, ilaaladda madaxtooyadda, Wasaarada Waxbarashadda, Wasaradda maaliyadda IWM.
ü Wax ka badelka Takaaliifta Cashuurta
Wasiirku wuxuu xog waran ka siiyey gudida qodobadaas kor ku xusan isagoo faahfaahin iyo sharaxaad ka bixiyey korodhka Hayadda illaaldda madaxtooyada oo sheegay in 300 oo askari oo dheerad oo laga soo wareeiyey laga soo wareejiyay Ciidanka booliska laguna kordhiyey illaaladda madaxtooyada.
Waxaa kale oo uu wasiirku xusay in taakliif kooban oo lagu kordhiyey macdanaha iyo dhagaxaanta qaaliga ah ee dalkeena laga baadho iyo liisamadda loo qaato.
Waxaa sidoo kale wasarada ganacsigu soo saartay wax ka bedelna ku samaysay cashuuraha laga qaado hayada gaarka loo leeyahay ee ganacsiga iyo kuwa lagu shuraakoobaba (muwaadiniin iyo ajanabi labadaba) waxaa kale oo wax ka badal lagu sameeyay cashuuraha kala wareejinta gadiidka basaska tagaasida iyo liisamada rarista iyo dejinta (clearance and forwarding)tusale ahaan kala wareejinta gaadidka oo ahaa 3% qiimaha gaadhiga ayaa laga dhigay sidan soo socota busask iyo tagaasidda $55 gadiidka kale oo dhan $105. liisanadda rarista iyo dejinta $500 waxaana laga dhegay $250 taas oo tusaysa in aan la kordhin cashuur weyn oo la sanad miisaniyeedda 2014.
Wasiirku waxaa uu gudida u sheegay in wasaradaha boosaha iyo isgaadhsiinta,horumarinta deegaanka iyo reer miyiga, wasaaradda caafimaadka loo kordhiyey kharashka si loo hormariyo wasaradahaas.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in ay kharakh la yimaadeen wasaradaha iyo hayadaha la kordhiyey taas oo loo qoondeeyey kharash dheeraad ah sida ka muuqata buuga miisanayidda 2014.dhinaca kale waxa uu wasiirku soo dhaweeyey cashuurta la ansixiya ee horumarinta wadooyinka.
Guddida iyo wasiirka maaliyadu waxa ay isla qaateen in hayaddaha aan sharciga ahayn sida ugu dhakhsaha badan loo hor keeno golaha
2. MADAXA LOOGU MAGAC DARAY KHASNADDA DAWLADDA:
Madaxan oo layskugu geeyey kharashiyaad badan oo ay maamuli jireen wasaraddo iyo hay,ado madaxa banana kharashiyaadkaas waxaa wada jir u maamuli doona madaxweynaha, wasiirka maaliyadda iyo wasaraddaha ama hayadaha uu kharashkaasi khuseeyo
3. BAANKA DHEXE
Gudida dhaqaalaha, maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiiladu iyada ooo cuskanaysa qodobka 53aad farqadiisa 7aad ee Dastuurka qaranka waxay u yeedheen Gudomiyaha Bank Dhexe si ay wax uga waydiiyaan odosorka miisaniyidda ee Baanka dhexe 2014.
Maadaama uu baanku yahay halbawlaha dalka marka laga eego dhinaca dhaqaalaha.
Goluhu waxaa uu u ansixyey xeerar sida xeerka bank dhexe xeerka baananka islaamiga ah waxana uu goluhu gacanta ku hayaa xeerka ka ganacsiga hawlaha baananka taasi waxay ku tusaysaa halka uu kaga jiro baanku dalkan JSL waxay gudidu dar dar galinaysaa wixii xeerar ah ee kaga xidhan baanka golaha wakiiladda si uu banku ugu madax banaanaado hawlihiisa shaqo oo aanu u ekaan inuu noqdo khasnada dawlada dhexe oo kale.
Gudida iyadoo uga wakiil ah Golaha arrimaha maaliyadda iyo ganacsiga raacaysana dastuurka qodobkiisa 54aad farqadda 3aad oo sheegaya (in la daabaco lana soo saaro shahadooyin rahmadeed iyo kuwo kale oo leh qiimo damaanadeed )
Isla qodobkaas faqradiisa 4aad oo dhigaya in golaha awoodiisu gaadhsiissantahay (Habaynta Nimaadyadda Dhaqaale Iyo Lacageedba), baanku wuxuu ka mid yahay hayaddaha soo gudbiyey miisaniyadoodii, gudida iyo maamulka baanku waxay ka wada hadleen arrimaha soo socda:
Miisaniyada banka dhexe, Daabacadda lagacaha cusub iyo bedelkii lacag Soomaliga ee Gobolka Sanaag, Dabacadda lacagah, Qiimaha sarifka bank (Bank rate) oo 4000 SLSH iyo soo daabicista baasaborka Somaliland.
4. MIISANIYAADA BANK:
Odorosak miisaaniyaada bank dhexe oo dhan 20,451,754,116.60SLSH.i iyadoo ay miisanayaddii 2013 ay dhamayd 19,167,140,106SLSH. Farqiga ka muuqda oo ah 1,284,614,010.60SLSH, una dhigma 10% .
Marka la eego kharashka ,miisaniyyada ee 2014 waxaa laga dhex milicsanayaa sarifka kala duwan ee lagacta.
5. DABACAADA LACAGTA:
Dastuurku waxaa uu waajinbinyaa in ogolaanshaha daabacada lacagta sida (nooca ay tahay, tiradda ay dhan tahay) waxaanay ka mid tahay awoodaha golaha wakiiladda ee dastuurku jideeyay sidaa daradeed gudidu iyadoo wakiil ka ah golaha waxay weydiisay gudoomaha bank dhexe tiradda lacagta uu banku soo dabacay labadii sano ee u danbeeyey iyo kharashka ku baxay daaabacada lacagtaas iyo sidii loo isticmalay hadaba waxaa laysla qaatay in fadhi danbe layskugu yimaado si loo helo faahfaahin arintaa ku saabsan.
6. SARIFKA LACAGTA
Sida ka muuqatay warbixintii guddida ee sanadkii 2013ka in sarifka lacaguhuu uu aad u kala duwan yahay farqi wayna uu jiro suuqa baanka iyo wasaarada maaliyada. Gudidu waxay mar labaad ku adkaysanaysaa in arintaas ay muhiim tahay guddiduna ay golaha u keeno doonto midaynta heerka sarifka iyo xog dhaba oo ku saabsan arintaas
Hadaba gudiga dhaqalaha iyadoo eegaysa xeerarka iyo dastuurka qaran waxay soo jeedinaysaa in:-
ü in banka Somaliland iyo gudiddu isla meel dhigaan .
7. LACAG BEDELISTII GOBOLKA SANAAG
Gudomiyaha banka dhexe iyo gudida waxay kawada hadleen lacagtii laga bedelay gobolka sanaag tiradeeda in ay gobolka ku filnaatay oo ay wada gaadhay iyo qaabkii loo maamulay lacagtii kasoo baxday tiradeeda iyo waxa loogu talo galay sidaa darateed gudidu waxay goaansatay in ay dib ugu yedhaan maalinta arbacada gudoomiyaha banka kuna baagan 09/10/2013.
8. kulankii Guddida Dhaqaalaha iyo DEKKADDA BERBERA
Guddida dhaqaalaha waxay kulan falanqayn ah la yeeshaan hawlwadeenadaDekedda Berbera oo uu hogaaminayey Mareeyaha Dekeda Mudane Ali Mohamed Cumar (Cali Xoor Xoor) Odoroska Miisaaniyadd Sanadeedka 2014ka taariikhdu markay ahayd 05/10/2013kii.
Ka dib mareeyaha dekeda berbera waxa uu warbixin ka siiyay guddida hawlaha shaqo iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee dekeda waxaanu xusany in aanay hadda wax emergency ah aanay jirin badeecaduhuna ay yihiin sidoodii caadiga ahayd waxa kaliya oo jira adhiga ayaa xudduudaha ka soo talaaba laakiin waa xoolo ay leeyihiin dadka reer somaliland hase ahaatee qorshe ahaan sanadka soo socda waxa kaliya oo aanu isbadal korodh filaynaa Adhiga dhoofaya maadaama ay sanadkan barwaaqo ahayd.
Guddidu waxa ay wax ka waydiisay cashuurta adhiga ee la kordhiyay wax saamayn ah ma idinku leedahay waxa uu mareeyuhu ku jawaabay maya naguma laha in la horumariyo wadooyinka wax ay wax ka tarayaan socdaalka xoolaha iyo gaadiidka labadaba.
Waxa kale oo uu xusay mareeyuhu in hadda ay qorshaysan tahay mashaariic horumarineed oo ay doonayaan inay dekeda ka hirgaliyaan sida koontinar lagu qaado hilibka sida hilibka qaydhii loogu dhoofin karo waxa kale oo uu farta ku fiiqay in dekeday ay ku filan tahay inay daboosha baahida dalka in la kordhiyaa runtii kharash aad u badan ayaa ku baxaya oo aanay miisaaniyadeenu daboolin.
Intaa ka dib guddida dhaqaaluhu waxa ay wax ka waydiiyeen xidhiidhka ganacsi ee inaga iyo Ethiopia waliba khaasatan in ganacsatadeenu ay ka cabanayaan xaga cashuuraha oo laba jeer laga qaadayo
Mareeyuhu waxa kale oo uu gudida u sheegay inay lagama maarmaan tahay in ganacsiga inaga iyo Ethiopia parlaman ahaan aad ka ololaysaan oo aad booqataan Ethiopia waayo faaiido aad u wayn ayaa inoogu jirta ganacsigeenuna wuu xoogaysanayaa maadaama ay Ethiopia tahay suuq aad u wayn.
Mareeyuhu wuxuu xusay inay dekeda hada ku wadaan daraasad visability study ku saabsan sidii loo samayn lahaa berbera corridor iyo infrasturka wadankeena taas oo ay eu du iyo World Banku gacanta ku hayaan ethiopiayana arintaa way la socotaa waxaanay mar inoogu balanqaadeen inay 300 milyan dollar ina amaahin doonaan laakiin waa arin wada hadalkeedu socdo.
Runtii mareeyhu waxa kale oo uu xusay in aynu u baahanahay investor’s waliba grean field investment si dhaqaale ahaan aynu u kobocno daraasadaasna waan hayaa waan idiin siin doona nuqulo ka mida.
Guddida iyo Madaxda dekeda berbera waxa ay isla qaateen arrimahan:
1. In guddida dhaqaaluhu ay booqato Dekeda Berbera si ay xogogaal ugu noqdaan soona arkaan waxyaabaha dekeda ee u baahan in dib habayn lagu sameeyo iyo waliba inay arkaan dhamaan adeegyada dekeda berbera
2. In mareeyuhu uu guddia u soo gudbiyo daraasadaha laga diyaariyay dekeda si ay u fahmaan qorshayaasha iyo meelaha u baahan in dekeda laga horumariyo
9. Gabgabo
Kulankii guddida iyo wasaarada maaliyada waxaa laysla qaatay:
Waxaa laysa qaatay in haayadda aan sharciga lahayn si deg deg ah loo horkeeno galah si goaam]n looga gaadho sharciyadoodii hayadahas waxaa ka mid
1. Garyaqaanka guud
2. Gudida dib u habaynta shuruucda
3. Ict commission
4. Haayadda xidhidka raashinka qaranka
5. Haayada qurbo jooga
6. Hayadda dhawrisra tayadda
7. TV qaran
8. Gudida diwaan galinta ururradda oo wakhtigoodii gababsi yahay
9. Gididda barista xasuuqa qaran.
10. SOO JEEDINTA
Guddidu waxay soo jeedinaysaa arimahan:
1. In siyaasadda guud ee miisaaniyadda sideeda loo fuliyo iyadoo noqon doonta qodobada lagala xisaabtami doono Wasaaradda Maaliyadda
2. In wasaaradu maaliyadu samayso Waax Ilaalisa Ascaarta waddashaqayna la yeelato wasaaradaha ganacsiga, qorshaynta iyo baanka dhexe
3. In si dhakhso ah loo hor keeno sharciyada hayadaha aan sharciga ahayn ee loo qoondeeyay miisanayadda 2014
4. In dib u eegis lagu sameeyo jiritaanka hayaddaha badan oo lays barbar dhigo waxtarkooda iyo kharashka ay soo kordhinayaan
5. In madaarka Ceerigaabo saami laga siiyo lacagta loo qoondeeyay madaarada dalka JSL
6. In WAKAALADA BIYAHA EE CEERIGAABO la hor keeno golaha miisaaniyaddeedii laguna soo Buuga Miisaaniyadd Qaranka
7. In la tashiga iyo ka talo bixinta miisaaniyadda la balaadhiyo mudnaantana la siiyo golaha wakiilada si ku qeexan distoorka
8. Guddidu wuxuu soo jeedinayaa in la Ansixiyo Odoroska miisaaniyadd sanaddeedka 2014ka.”

Salaanmedia/ Hargaysa Office