GUDOOMIYE CIRRO BOROBAGAAN KU TILMAAMAY IN XISBIGA WADDANI UU KA SOO HOR JEEDO DHISMAHA WADADA CEERIGAABO

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Hadlay Arimo Badan oo ay ka mid tahay Ururka Wada tashida..

 

 

Gudoomiye Cirro ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa ay ka go’an tahay inay ka qayb qaataan mashaariicda Horumarineed ee dalka ka socda.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu hadalkaasi ka jeediyey munaasibad xalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo qaadhaan loogu ururinayey Public Library-ga guud ee Somaliland waxaanu yidhi “ Sidaa ka war qabtaan laba Koofiyadood ayaa sitaa midbaa xisbi ah, baryahan dambe waxaan jecelahay inaan shacbia reer Somaliland u cadeeyo in Xisbiga Waddani uu hormood ka yahay kaalin kasta oo wadanka horumarkiis ah, Wadada Ceerigaabo qoladii ugu horaysay ee qaadhaan bixisa ayaanu ahayn, waxan gacantiisa ka bixiyey nin Cabdilaahi Axmed la yidhaado, laakiin baryahan dambe malaa xoogaa aan is leeyahay Guul wadaynta ah oo Xukuumaduhu ay iska baahan yihiin oo dacaayadabo badan ayaa la faafinayoo la lahaa Waddani wuxuu ka soo hor jeedaa Horumarka, wuxuu ka soo hor jeedaa wada Ceerigaabo.”

Gudoomiye Cirro ayaa intaas ku daray “ wadada Ceerigaabana bilowgeedii waanu ka qayb qaadanay waxaanan rumays nahay dadkii Lacagta bixinayey ee Ceerigaabo, ee Adhiga bixinayey, Hablihii dahabka bixinayey intooda badani Waddani ayey ahaayeen, xitaa qoladii Geela bixinayasay, markaas waxaanu diyaar u nahay hadii ay Library tahay iyo hadii ay wado tahayba inaanu ka qayb qaadano, waxaan aanu ugu baaqaynaa dhamaan Taageerayaashayadu inay wadada iyo Libraryga iyo waxkasa oo Somaliland horumarkeeda ah inay ka qayb qaataan.” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Geesta kalena Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa Munaasibadaasi Qaadhaanka lagu ururinayey Public Library-ga guud ee Somaliland kaga dhawaaqay Lacag Sadex kun oo dollar (3000 $) oo uu kaga qayb qaadanayo dhaqaalaha lagu dhisi doono Library-gaasi.

Salaanmedia/Hargaysa