Gudoomiye Faysal C.Warabe Waa Geesi Run Sheeg Ah Oo Aan Munaafaq Ahayn Waana Taageersan Ahay Waraysigiisii Universal Tv: By Tahir Hussein

Gudoomiye Faysal C.Warabe Waa Geesi Run Sheeg Ah Oo Aan Munaafaq Ahayn Waana Taageersan Ahay Waraysigiisii Universal Tv: By Tahir Hussein

Ugu horeyn waxan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada, xorta ah een had iyo jeerba xidhiidhka la sameeyo.

“Ascww” Salaam ka dib habeen hore ama shaley ayaa waxaan daawadey wareysi lala yeeshey gudoomiyiha xisbiga Ucid Md faysal cali waraabe, runtii wareysigaasi waxa uu faysal cali waraabe kaga hadley waxyaabo badan oo run ah, faysalna waa nin runta sheega oo haya wadadiid toosneyd ee diinta islaamku ina fartey, ee aheyd in xaqa lagu adimo oon la qarin.

Hadaba waxaan hambalyeynayaa gudoomiye faysal cali waraabe oo noqdey muwaadinka kaliya ee ka damqadey dhibaatada ay dalka ku hayaan kooxda siilaanyo madaxda u yahey, ee gabi ahaanba boobey hantidii ummada masaakiinta ah sida xooga ah looga qaado ,balse ay rag aad moodo ceydh ama dad gaajeysan oo wasiiro sheegtaa ay jeebadaha ka buuxsadeen, sida wasiirka maaliyada c/casiis samaale, wasiirka madaxtooyada, xirsi gaab, iyo wasiirka duulista iyo hawada mr Usaama.

Waana wax laga xumaadaa in Odaygii 90 jirka ahaa ee ummadu doortaye uu maanta dalkii iyo dadkiiba ka dhigo meel bilaa karaamo ah oo ,qabyaalad iyo daneyste isgu tageeen, oo shaadhkii qaranimada lagu badaley mid beel beel ah.

Bal eega Tv-ga ay reero kaliya ku urureen, ee lagu sheego Tv -qaranka, bal eega wasiiradan qaabqabyaaladeysan dalka hantdiisa u boobaya een la isbaweydiineyn!

Hadaba gudoomiye faysal cali waraabe waa nin geesi ah oo runta sheegay, waxanu mudanyahey in shacabka somaliland aad u taageeraan, waxanan filayaa in faysal iyo xisbiga ucid ay maanta codka shacabka cidlo ka heli doonan sababtoo ah dalka somaliland kuma sii jiri karo nidaam qabyaaladeysan oo waliba hanti boob ku jira.

Hadalka faysal waxaa ka xumaadey kuwii munaafuqiinta ahaa ee ay diinta alleh ku yareyd ee beenta iyo xanata ku noolaa ee jaahiliinta ahaa , ee amaanta beenta ah gidaarada la taagnaa, waxanan leeyahey faysal cali waraabe maanta waxa uu noqday xidig ifaysa oo somaliland u soo baxday shacabkuna isagey taageerayaan nin ka naxa iyo mid ku farxaba , waxaan leeyahey noolow faysalow cimrigaa ha jiro.

WQ: Tahir hussein (xumandiid)
waayo_aragman@yahoo.com