Gudoomiye Ku Xigeenka Magaalada Kismaayo oo caawa la weeraray hoygiisa

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video

Wararka inaga soo gaadhaaya Magaalada Kismaayo, ayaa waxay sheegayaan in daqiiqado kahor la weeraray hoyga uu Magaalada Kismaayo uu ka deggan yahay, Gudoomiye Ku Xigeenka Kismaayo Gacma Dheere.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in bambo gacmeyd lagu weeraray hoyga Gudoomiye Ku Xigeenka, oo ku yaala Xaafadda Faanoole ee Magaalada Kismaayo. Isla-markaana rasaasta nool nool loo raaciyay.

Warar kalana waxay sheegayaan in Ilaalada Gudoomiye Ku Xigeenka, ay iyagu rasaasta fureyn, ka gadaal markii daryanka qaraxa laga dhex maqlay hoyga Gudoomiyaha.

Qaraxa oo dhacay xilligii Salaadda Cishaha ee caawa, ayaa waxaa weli halkaasi laga maqlayaa rasaas teel teel ah, oo ay ridayaan Ciidamada Ilaalada Gacma Dheere.

Xaalada goobta uu qaraxa iyo rasaastuba ay ka dhaceen, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan.

Waxaa adag in faah faahin dheeri ah laga helo, haddii ay jiraan waxyeelo ka dhashay qaraxa iyo rasaasta, weli laga maqlaayo Xaafadda Faanoole.

Ma cadda cidda geysatay qaraxa lagu weeraray hoyga Gudoomiye Ku Xigeenka, sidoo kalana majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubba.

Salaanmedia/Mogdisho