Habeenkaan dhiig arkaabaan dharaartii tukadaa, samaha waan ku dhintaa xumahana….!!!

MAQAAL

Habeenkaan dhiig arkaabaan dharaartii tukadaa, samaha waan ku dhintaa xumahana waan ku dhergaa.

Wasiirka madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan waxan ku hambalyeynayaa xalaalaynta Xeerkii Cashuurta wadooyinka Dalkeena ee uu gudbiyey xeer-dejinta Somaliland.Waxan iyana ku hambalyaynayaa xil-gudashada kaga aadanayd xeerkaas Xildhibaanada Wakiilada Somaliland ee ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.

Waxan hubaa hadii Alle inagu simo inuu Xirsi karti uleeyahay dhismaha iyo dhamaystirka wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, sidii kuwa kale ee gacanta lagu hayoba uu ugu hagar baxay.
 
Waxaynu wada ognahay inay wadada Ceerigaabo dhismaheedu yahay mashruuca ugu balaadhan Somaliland ee xukuumada Kulmiye ku dhiirratey. WIXII RAG U KACO RABBINA AQBALO WAY RUMOOBAAN.
 
Waxan ku amaanayaa kuna hambalyeenayaa M/weynaha S/Land Axmed M. Maxamud Siilaanyo inuu u igmado dhaqaajinta iyo dhamaystirka wadada Ceerigaabo wasiirkiisa madaxtooyada oo ku caanbaxay karti, daacadnimo
iyo hawlkarnimo uu qaranka ugu shaqeeyo inka badan 18 saacadood  maalin kasta Alla haku garab galo aamiin.

 
Halka ay inoo cadeeyeen macaaradka u hanqal taagaya hogaan qaran sida gudoomiyaha xisbiga UCID markay arkeen dhiirashada dhagaxdhiga M/weyne Siilaanyo ee wadadaas, in aanay hambalyeyne’ ay habaareen.
 
Waxay inoo iftiimiyeen in aanay weligood haweysan kuna fekerin inay wax ka qabtaan mashaariicda wadooyinka ee ay Xukuumaddanu hore u qorshaysay ama fuliseyba sida wadooyinka Dila, Dawga cad, kalabaydh-Wajaale, Balligubadle, Salaxley, Burco-Oodweyne, Hargeysa-Berbera iyo tan Ceerigaabo ku xidhii-dhinaysa gobolka Togdheer. 
 
Waxa layaab lahayd markay iyagoo dadafeenaya af-muggii kaga jawaabey dhismaha wadada subixii loo dhaqaaqay xageeda “yidhina lama samayn karo wadadan dhererkeedu yahay 370 KM isagoo xusay inay Dawladii Ziyaad Barre ay samayn kariweydey” waxay kuwaasu ilowsanyihiin inay Dawladdii Afweyne xaaraan ka dhigtay in aan Hargeysa laga dhisan karin guri fooq ah oo ka dheer hal dabaq. Maxay carartaa cagaba malahee?
ma’taas kuu diidey adigoo shicib ah inaad hawadaada waxku dhisato, ayaad saaxiib bar-bar dhigtay xukuumadan bulshadu dooratay ee ku sifowdey waxqabadka? Alla fogaa halkaad eegaysaa!
 
Baryahan waxan maqlayey odayaal magacyo dhawr ah kala bedeshey sida madal, golaha wada-tashi, iyo toosin sheegtay. Balse bulshadu isweydiinayso waxa u qarsoon ee u qorshaysan kadib markay warbaahinta usoo mariyeen af-lagaado qaawan madaxda qarankeena kuna hanjebeen burburinta Somaliland.
 
Calan cas camalkeedu waa car iyo cay, colaad iyo caano daadin, Alle kama dhigo e’ kama duwana warkoodu habartii Awliyo ee tidhi”Habeenkaan dhiig arkaabaan dharaartii tukadaa, Samaha waan ka dhintaa xumaha waan ku dhergaa. 
 
Kuwaasow, talada wadanka waxa shacabku udoortay M/weynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ku aamineen kalsooni buuxdana u xambaarsheen mudo 5 sano ah.
Kudarsoo Madaxweynahu waa nin looga leexday xafiis maarayntii iyo xeelad siyaasadeed. 
 
Lama sheegin lamana arag gaadhi laba darawal wada kaxayso, Dawladnimaduna waa sidoo kale oo distoorkeenu cid la’ haaneedda lama wadaajin. kaquusta odayaal oo inaga daaya sawaxanka ma’ dhaleyska ah eed Halgankii ku gacanmaroojin jirteen.
 
Halkaa waxa ka jira sharci qeexan oo quman oo Somaliland dhigatay oo ku dhaqanto.
Waaka fulinta siiyey intay ku leedahay xukuumadu,waaka xeerdejinta uqoondeeyey qaybtooda, waaka Garsoorkana gurada u dhigay awoodaha madaxa banaan ee garsoorku weheshado,
waakaa akhristow adiga iyo an idhaahdo innagoo dhanba karaamadeena xejiyey ee xariirta huwiyey.
 
 Wanaagga Alla hayna waafajiyo Belaayada Eebe hayna bar-bar mariyo
 Somaliland ha’ noolaato bulshadeedu nabad iyo caano ha maasho, amaano Alla.
Axmed Yussuf Ducaale (Dhigane)
London,UK.