Haweeney markii ugu horeesay loo Magacaabay in ay noqoto Gudoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya

yusur

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay Gudoomiyaha Bangiga dhaxe ee Soomaaliya u magacayday Haweeney kadib markii Xilkaasi  laga qaaday Gudoomiihii Bangiga Dhaxe Cabdisalan Cumer Hadliye.

Haweeneydan loo Magacaabay Gudoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya ayaa lagu Magacabaa Mrs Yusur Aadan Abraar waxa ayna iminka kusugan tahay Dalka Canada halkaas ay safar kula wehliso Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya.

Gaabdhan loo Magacaabay in ay noqoto Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya ayaa sida Warar hoose aan ku helnay waxa ay Sheegayaan in Xariir dhaw la leedahay Xisbiga Dam Jadiid oo ah xisbiga hada haya Hogaanka talada Dalka Soomaaliya.

Wali si rasmi ah looma Shaacin digreetada magacaabista Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya maalmaha soo aadan ayaana la filayaa in Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay meel mariyaan Magacaabistan.

Xilalka Muhiimka ee Dalka ayaa inta badan waxaa loo magacaabay Dad qurbo joog ah oo katirsan Xisbiga Talada Dalka Haya ama ugu yaraan Siyaasad ahaan xisbiga ku dhaw , waxaana inta badan meesha ka baxay dadkii lasoo shaqeeyay Dowladihii KMG ee Dalka soo maray xilal kala duwana Dowlada ka hayay.

Salaanmedia/Mogdisho