Hay’ada ASARDA Oo Xukuumada Ku Taageertay Hormarka Ay Ka Wado Dhinaca Wadooyinka Dalka

image
Boorame (SM)- Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen gudaha magaalada Boorama saraakiisha ugu saraysa ee Hayada Hormarinta Jidadka Awdal iyo Salal ee imageASARDA waxa uu daaranaa taageero ay u muujiyeen Xeerka Takaaliifta Hormarinta Jidadka ee uu dhawaan baarlamaanku ansixiyay, isla markaana uu qalinka ku duugay madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena waxa ay ku soo dhaweeyeen hormarka dhinaca jidadka ah ee ay Xukuumada xisbiga Kulmiye ka wado gabi ahaanba dalka, waxana ay tilmaameen in la taageero oo la is barbar taago.

Gudoomiye ku xigeenka Hayada ASARDA Md. Ismaaciil Cabdi Riiraash oo hadalka furay ayaa yidhi “Waxa aan si balaadhan u soo dhawaynaynaa xeerkii Takaaliifta hormarinta jidadka Somaliland ee uu baarlamaanku dhawaan ansixiyay isla markaana madaxwaynuhu qalinka ku duugay, waxa aan leenahay hormarinta jidadku way u qalmaan in lacag loo qoondeeyo si loo hirgaliyo, sidoo kale waxa aan hambalyo balaadhan u diraynaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah shaqsiyay ay wada shaqayn balaadhan naga dhaxayso sidoo kalena si siman oo aan kala horaysiin lahayn ugu guntaday inuu wax uga qabto hormarinta jidadka Somaliland.

Sidoo kale waxa aan leenahay cid walba oo jidadka wax ka qabata, ha ahaato madaxtooyada, ha ahaato madaxwaynahaba aad baan u soo dhawaynaynaa waxaanan leenahay magaciinu ha jiro oo ha joogo, sidoo kale in SRA la hoos keeno Madaxtooyada waxa ay wax wayn ka taraysaa hormarinta jidadka, waxana muuqan doonta in hormarku uu noqdo mid isku xidhma” ayuu yidhi Md. Riiraash.

Mudane Muumin Jaamac Samaale oo isaguna hadalka ka daba qaatay ayaa yidhi “Xukuumadihii soo maray Somaliland mid walba dalkan meel ayay soo gaarsiiyeen, balse xukuumada maanta jirta, waxa ay wax badan ka qabatay dhinaca hormarka, oo ay ku can baxday, inta ay timid xukuumadani, wadooyinkii ugu badnaa ayaa dalka wax laga qabtay oo anaga oo ASARDA ah bilawnay hormarka wadooyinka, waxa aan ku tiirsanayn qaadhaanda dibada, balse inta ay xukuumadani timid taasi way naga furatay oo waxqabadkii gacanta ayay ula tagtay oo masuuliyadii dusha ayay u ridatay, maantana waa la sii casriyoobay oo madaxtooyada ayaa la hoos geeyay hayadii hormarinta wadooyinka, oo Wasiir Xirsi, waa shaqsi hawshaas ka soo bixi kara, sidaas oo ay tahay xukuumada ku talo gashay ilaa Ceerigaabo ilaa Saylac in la isku xidho, waa arin wanaagsan oo loo baahan yahay in la taageero, hadii aanan dawladeena maanta hormarka wada aanan la is babar taagin oo aanan guubaabin dariiqii saxda ahaa kuma taagnin, ee ha la taageero oo ha la is barbar taago si ay waxqabadka u xii kordhiso hiil iyo hoona waxa lagu tarayo falawgeeda la qabto”

Abuubakar Xuseen Miicaad Shiine Dheere oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waa noo farxad in riyadii aan bilawnay ay rumawday oo dalka oo dhan uu waxqabadkaasi wadooyinku ka socdo, hada wax la dhagax dhigay jidka Buro ilaa Ceerigaabo, waxana qorshaysan in kan Boorama ilaa Saylac isna lagu xijiyo, hadaba xukuumadani waxa ay mudan tahay in arintan lagu garab istaago oo lagu hambalyeeyo, waxana aan ka soo horjeednaa hadaan nahay ASARDA in waxa ay xukuumadu qabatay la qariyo oo wax qaldan uun laga sheego, waxana aan sheegaynaa in xukuumadu ay ka midha dhalisay dhismaha jidadka dalka oo dhan min bari ilaa galbeed”

Waxa aan sidoo kale sheegaynaa in inta wax qaloocinaysaa ay arkaan hawsha socota, oo ay u arkaan u madooda wax loo qabanayo oo hormarku uu tahay mid is gaashay, marka gudaha la joogo sida ay wax yihiin ma oga inta dibada joogtaa, waxana aan leenahay wax la lunsanayo ma jiraan oo cashuurta la soo kordhiyay ee xeerka Takaaliifta hormarinta Jidadka waxa loogu talo galay in wax lagaga qabto dhinaca wadooyinka, waxana an ku hambalyaynayaa xukuumadii keentay fikirka ee uu wasiir Xirsi horkacayay, baarlamaankii ansixiyay iyo dhamaanba inta taageertay xeerkan sida ay u dareemeen baahida loo qabo waxqabadka jidadka, waxana aan si adag u sheegayaa in cida cashuurta laga qaadayaa ay tahay ganacsatada aan ku jirno isla markaana aan raali ka nahay mar haddii wax loogu qabanayo dadkayaga sidaasi oo kale waxa aan leenahay cida dibada joogta ee yooyootanka meelahaasi ka wada ee leh wax baa la lunsanayaa waar dadkaa wax loogu qabanayaa ee dadkaaga dhinac ka raac oo hormarka taageera” ayuu yidhi Md. Shiine Dheere.

Si kastaba ha ahaatee shirkan Jaraa’id ee ASARDA ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti dhawaan lagu wado in ay faraha ka qaadaan wajigii ugu dambeeyay ee jidka isku xidha DILA iyo Boorama, isla markaana laga sugayo inay u ruqaansadaan jida kale ee ah jidka isku xidha BOORAMA iyo SAYLAC.

Salaanmedia/Boorama