Hay’adda Amnesty Oo Dawlada Kenya Uga Digtay In Ay Dib U Celiso Qoxoontiga Soomaaliyeed

(SM:Muqdisho) Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa uga digtay dowladda Kenya inay kamannaanka qoxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu celiso dalkooda oo dalkooda ay weli ka jiraan rabashado iyo khatar dhinaca ammaanka ah.

“Qoxootiga Soomaalida dib looguma celin karo dalkooda, waayo weli waxaa ka jiro qaybo dalkooda ka mid ah weerarro ay Al-shabaab la beegsanayso shacabka. Sidaa daraadeed dowladda dowladda waa inay sharciyada dunida ee qoxootiga ay xaq-dhowrto,” ayuu tidhi ku xigeenka madaxa Afrika ee hay’adda Amensty, Sarah Jackson.

“Eedeymaha ku saabsan in ammaan-xumada Kenya sida weerarkii Nairobi ay sabab u yihiin xeryaha qoxootiga ee ku yaalla dalkaas, waxay qayb ka tahay faruuqa lagu hayo dadka magan-galyada u soo doontay Kenya,” ayay tiri Jackson.

“Kenya waxay qayb ka tahay dalalkii saxeexay qodobbada xuquuqda aadanaha, sidaa daraadeed waa inay soo dhaweyso dadka magan-galyo doonka ah. Tanina waa qayb ka mid ah sharciyada caalamiga ah, waana inay adeecdo.”

 

salaanmedia/Mogdisho