Ina C/qaadir Oo Markale U Soo Waraysi Tagey Cadaani Saxardiid!

MAQAAL

Ina C/qaadir; Ciid mubaarig cadaani bal ka waran xaalka dalku marayo maxaa ugu danbeeyay?

Cadaani; Macal ciidayn beryahaas telfoon kaaga ayaa igu batee ma hunguri siyaasadeed ayaa ku haya?

Ina c/qaadir; Waad ogtahay in aniga iyo abtigay Siilanyo aanu siyaasada ku kala dhimanee maxaad iga waydiinaysaa midh kaas!

Cadaani; Siyaasadu colaad joogta ah malaha saaxiib jaagto ahna malaha ee hadii hunguri ku hayo waan kaasoo wastayn karaa odayga!

Ina c/qaadir; Oo hadaad sidaas ula socoto maxaad siilanyo isugu xabeebinaysaa maad kistaada si qabow u cuntid! hada ma adigaa afhayeenka madaxtooyada lagaa dhigay?

Cadaani; Xilka af ahayeenka kuma mushahar qaato laakiin canaasiirta mucaaridka ah afka lagulo hadlo ayaan aqaan! waxaa iigu kaa war dan baysay adiga oo leh muqdisho ayaan dhul ka iibinayaaye ma Foosiya ayaa kuu carab laa laadisay? waar yaan shabaabku isku kaa qarxin intaad is leedahay siilanyo ka cadhaysii!,

Ina c/qaadir; Muqdisho hadii cid lagu eeday naayo cidina idiinkama dhawa sow tan heshiiska ma dhalayska ah aad marba ugu dhuumataan turkiga ee beenta aad umada u sheegtaan mid ka bedelan reer muqdisho na idin ka daba sheegaan! waar naftiina been haw sheegina oo iska daaya foostada gunta la ee aad dhaaminaysaan! halgankii umadu soo gashayna ha khasaarinina!

Cadaani; Ma cid mujaahid siilanyo ka wayn ayaa jirta oo halganka ku suntan? sowkii duurka u galay!

Ina c/qaadir; Yaa kuugu sheekeeyay warkaas? waar nin waxa uu u halgamayo aan aamin sanayn siilanyo ayaa la hayaa! sowkii mar hore sheegay ee yidhi anigu maan aamin sanayn in dalka la kal gooyo! tan Somaliland ah iyana ma aamin sana sida uu faysal ba ku dhartay!

Cadaani; Waar kaasi waa diyaaradii xabashida oo marba meel ayuu ku dhuftaaye! waa ninka xisbigiisii aamini waayay ee madal aan jirin iska dhex qaaday! waxa uu ka dhigan yahay nin kii fulaha ahaa ee colka arkay ee baqay ee inta uu faraskii uu fuushanaa ka degay yidhi waan ordayaa oo aniga ayaa faraska ka dheeray naya cabsi darteed! ma kaasaad warkiisa qaadataa?

Ina c/qaadir; Oo ma cid Faysal iyo Cali guray aan ahayn ayaa jirta oo maanta hadli kara sow kii Siilanyo gudida Ina ciyaale ka madaxda yahay haldoorkii dalka ku dhufaanay! waxaaba kasii daran kan Ciro ee arkaaya ee leh Siilanyo ayaan kursi kula tartamaya ee aan hadana ka hadlayn! sidii Cigaal shiidaad ayuun buu leeyahay anaa jab la maagan ee aamusa! waar maad runta u sheegtaan inaatu is kharash garayn!,

Cadaani; Nin kaas waxa waalay laba calaynta uu rabo inuu baarlamaankana haysto xisbiga mucaaridka ah ee wadani isna hayo! bal muu meel isugu lugo duwdo! waar kaasi mucaaridnimo kama aha ee filim ayuu jilayaa!,

Ina c/qaadir; Waar waxaan kala garan waayay nin kan Xirsi ma isagaa musharaxa mise Siilanyo ayuu u ololaynayaa?

Cadaani; Oo maxaad aragtay? 

Ina c/qaadir; Dee meel walba waa taagan yahay! markuu cid kasta oo xukuumada ka tirsan qariyay ayuu intii Siilanyo na ku darsaday! ma isaga ayaa dhaxal sugaha Siilanyo ah?

Cadaani; Nin kani talo qaran iyo talo qabiilba meesha waa ku joogaa waana nin odayga iyo tolkiiba u daacad ah wax badana odayga waa ka daboolaa waxaanu hada u carbinayaa inuu talada reerka iyo ta qarankaba kala wareego!,

Ina c/qaadir; Oo meeshu ma dhaxal baa sow tii aynu caalamka ku nidhi qaran madax banana baanu nahay! ee na aqoon sada!

Cadaani; Sow digii lahaa Siilanyo ayaan kaa aqaan oo SNM baanu isla soo ahayn wax badana waanu isla soo maray! dalkan arinta xisbiyada iyo ta qaranimada waxaa ka wayn ta qabiilka! meeshan qarana waa lagu magacaaban yahay qabiila waa loo shaqaynayaa! sowdigaa ar kaaya in dalkiiba shir beeleed ka bixi waayay ee reerna reer aamini waayay! dee Siilanyo isba cirka kama soo dhicine shirkii Garadag go,aamadiisii ayuun buu fulinayaa!,

Ina c/qaadir; Waxaanu aamin sanayn iyo waxa meesha lagu hayaa waa kaaf iyo kala dheeri! oo adigu meesha yaad u joogtaa ma xisbigii kulmiye mise reer? 

Cadaani; Waar reerna wax kuma taree naf tayada ayaan u maxaafsadaa! xisbigan aad sheegaysaana adiga kaama danbayn markii lagaa dhax qaaday! afartan meelahaas ka had hadla ee xisbiga sheegtaana mushahar kooda ayuun bay dhacsadaan!,

Ina c/qaadir; Waxaaban la yaabay kii Waabeeyo oo qof kii hadlaba feedh uun kula ordaaya! muxuu godobta intaas le,eg u gelaayaa ee waalay sow meesha igamuu dhaxlin oo4.5 kumuu iman ma cid baa kursiga ka qaadaysa xagee ayuu ka baqayaa?

Cadaani; Meeshan hadaanad guuxaaga ka dheerayn oo meel walba aanad ka muuqan waxaa laguu qaadanayaa inaad mucaadi gudaha ah tahay markaas waa inaad is muujisaa!,

Ina c/qaadir; Waar meesha waa lagu karaamo seegayaa ee hayga maqnaato dabo dhilif nimo intaas le,eg ma samayn karee!

Cadaani; Dee gurigaagu ha ku deeqo hadaad karaamo ilaashanayso! ee salaamo ka dheh waa inoo mar kale,

Ina c/qaadir; Nabaday.
 
 
 
Faysal xaaji cali ahmed