INNA WARAN CADE WAXII U MUUQDAY MARKUU MUCAARADKA

MAQAAL

INNA WARAN CADE WAXII U MUUQDAY MARKUU MUCAARADKA AHAA YAA KA SAARAY.

” U diyaar garooba dagaal lagu hoobto, Dalka duulaan baa lagu soo yahay, Waanu difaacaynaa Waddanka,  Hub baa naloo soo wataa, Xukuumadu kaalinteedii way gabtay”, iyo erayo badan oo kale waxay ahaayeen dhawaaqii uu hadh iyo habeen la tagnaa Ali Waran Cade markuu hormuudka ka ahaa Xisbiga Waddani.

Sida ka muuqata hadaladiisa kore iyo Macnaha erayga magaciisa “Waran-cade” iyo weliba Libaaxyada guriga ugu xaraysan oon daawaday warbixin laga diyaariyey isagoo isugu yeedhaya “Libaax San-ka Taabte”, inkastoon u baqay inay cunaan mar uu kufay oo uu kici kari waayey, dhamaan erayadaasi waxay ku tusinayaan in Ninkani yahay Nin aan hawl yarayn. Balse waxaa wax lala yaabo ah in markii loo dhiibay xilkii waddanka ugu muhiimsanaa laba waayey meel uu ka dhacay, shaqadiisiina soo dhaafi wayday inuu Madax-dhaqameedyadii hawshoodii ku qabsado,  una dhaqmo sidoodii oo qudha.

Maxaa liqay, waxaan la soconaa in wadamo deriskeena ahi waddankii soo galeen, mudo badan madaxdoodii joogtay, ilaa hadana ciidamadoodii ku sugan yihiin oo weliba isku soo urursanayaan, muxuu wax uga qaban waayey, uga hadli waayey, u cambaarayn waayey, Warankiisii cadaa ugu tuuri waayey, Libaaxyadiisii u soo yaacin waayey, oo waddankii uu lahaa waa lagu soo socdaa baa la qabsadaye muxuu meesha la fadhiyaa oo indhaha uga daawanayaa, Afkii mee, Ficilkii mee.

Hey’ wuu innaga siyaasisan yahay ‘been badni’ oo waxuu yaqaanay habka lagu noqdo Wasiir taas oo ahmiyadiisa ugu dambaysaa ahayd siduu xil ku heli lahaa. Haduu madaxtooyadii galayna wuu aamusay, mise waa la liqay oo libaaxyadiisii kuwo ka belaayeysan/dad-cunsan buu meesha ugu tegay, warankiisii cadaana hangool faraaryo badan oon Waxar Dawaco ka ridayn buu noqday. Wasiirkaa laga rabaa jawaabta inlayn isaguun baa xaqiiqada dhabta ah hayee.

Ali Jama
allljama49@gmail.com