Isbadalka siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Somaliland oo kudhex hafanaysa iskuna mashquulsan dhinac walba.

habiil

Waxaa dhawaanahanba laga abaabulayey magaalooyinka NAIROBI iyo ADDIS ABABA  maamulo loo samaynayo gobolada somaliyeed oo dadkii deegaan ahaan kunoolaa dad aan ahayn larabo in loo sharciyeeyo waxaana loo soo maray dalal dhulalal hore oo somaliyeed hore gumaystayaashii reer yurub ugu sharciyeeyeen oo ku riyooda maruun inay somaliya burburiyaan si sharciya waxaana kamida federaalka lagu kala daadinaayo jamhuurida somaliya oo ay kadambeeyaan dawlado aanay dani ugu jirin midnimda somaliyeed amaba soomaali awood leh oo dhaqaalaha iyo milaterigaba kamidaysan oo sifiicana loomaamulo dawladnimadeeda, taas dawlado caqli xun oo aan garanaynin walaaltinimada naga dhaxaysa baqana kaqaba in haday dib cagaha isugu taagto Somaliyi inay halis galayaan ayaa wada oo qorshaynaya barnaamijyada ay Somalida qaar ladamacsanyihiin kuwaasoo iyaga dano qabiil kaleh laakiin barri ay halis kutahay dhamaan umada somaliyeed.

1

 

Qorshaha cusub ee somaliya lala rabay ee uu kadambeeyo  federaalka uu rabay  faroolaha garoowe jooga oo is qarinaya oo adeegsanaya NAIROBI iyo gudoomiyaha kilinka 5aad ee Somalida itoobiya haysato INA ILEEY  qorshahaan oo ah in somali galbeed oo dhan laga dhigo halqabiil oo iyaga kuhayb ah amaba daarooda waxaa mudo kabadan 1 sano fadhiyey jigjiga oo ay gogol utaalay 45 oday oo kasoo jeeda beelaha daarood ee somaliya oo uu soo diray faroole waxayna maamulayeen sidii loo daaroodaynlahaa beelaha waaweyn ee kilinka 5aad sida DIRKA, GUGUNDHABAHA, KARINLAHA, IYO AJUURAANKA  iyadoo la adeegsanayo maamulka itoobiya iyo kilinka 5aad, kadibna in lasameeyo walalaynta gobolka ee kilinka 5aad, Somaliland, Puntland iyo marka lasameeyo gacantana lagu dhigo jubbaland iyadoo la adeegsanayo itoobiya lagana dhaadhicnayo in afarta gobol ee midi itoobiya katirsanyahay kuwa kalena somaliya yihiin in lahooskeenaayo itoobiya oo ay sitoosa iyo sikaleba umaalayso qorshihii noocaas ahaa wuu bilaabmay waxaan maamulaya qabaail somaliyeed oo isu haysta inay awood siyaasadeed ku helayaan, waxaa uu faroole ku riyoodaa inuu isagoo garoowe jooga halkaa kamaamulo xukuumada somaliya si uu taas ugaadho meel walba wuu umaray iskudaygii ugu dambeeyey weeye khiyaanadan waana khatar haday usuuro gasho, hargaysa waxaa kataliya xisbiga kulmiye oo taladii gacantooda kabaxday, waxaan ishaysta madaxdii xisbiga waxaa taladii la wareegay dad aan ubislayn siyaasadaha kasocda geeska afrika oo xitaa aan fahamsanayn wax wada qabsiga siyaasadeed ee xukuumada somaliya sida ay uga faaidaysan karaan garanayna waxa laysu yahay iyo sida laysu xigo.

3

Waxaan nasiib darro ah iyadoo ay joogaan dhammaan khubaradii SNM ee hore in siyaasada Somaliland ay hogaaminayaan qoys aan shaqo kulahayn ciyaaraha gobolka kasocda iyo ganacsato ilaashanaysa dano mehradeed oo khaas u ah, waxaa la qorshaynayaa in SOMALILAND  lahoos geeyo kilinka shanaad dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba tacliintana laga maamulo jigjiga oo ay talada uhayaan dad aan awood tiro qabiil lahayn oo yar laakiin sad bursi kuhaya qabiilka ugu balaadhan somalida geeska afrika degta ee DIRKA waxaa hadaba faham ubaahan maxaa waxanoo qarasha ah ay ugalinayaan puntland iyo daaroodka NAIROBI iyo jigjiga fadhiya, waxaa loo socdaa waa in lasameeyo awood siyaasadeed oo lagorgortami karta joojina karta qabiilka IRIR ee talada dalka somaliya lawareegay oo caasimada muqdishana awoodeeda oo dhan gacanta ku haya gaar ahaan GAALKACYO ILAA KISMAAYO  inta udhaxaysa dadka dega awoodii iyotaladii Somaliya ayey lawareegeen sitaas loo burburiyo ayaa qorshahan loo samaystay waana qorshe hadii uu uhirgalo khatar galinkara jiritaanka somaliya iyo awooda muqdisho fadhida, taas anagoo hor istaagayna ayaan waxaanu abaabulnay qorshe lagu midaynaayo talada iyo siyaasada beelaha IRIR geeska afrika si looga hor tago khatarta ay maleegayaan nimanka jigjiga fadhiya iyo faroole iyadoo laga fogaanayo talo xumo katimaada dhinaca muqdisho waa in hargaysa ay dagdag ujoojisaa xidhiidhka is dhexgalka itoobiya iyo somaliland maadaama aan Somaliland la aqoonsanayn inay kafogaadaan wax walba oo khatara galinaya jiritaanka shacabka somaliland ayna kashaqeeyaan midnimada siyaasadeed ee IRIRKA iyagoo kukala duwan xaga siyaasada hadana waa in laga shaqeeyaa midnimo dir iyo hawiye oo xaga siyaasda ah siloo ilaaliyo awoodaha  hargaysa iyo muqdsiho oo aan loo qabsanin iyadoo la isticmaalayo cadaw shisheeye iyo dawladaha dariska ah ee kenya iyo itoobiya,.

Hadii aad akhristoow layaabto qoraalkayga oo aad wali kadambayso fahamka aad ufiiri sababta faroole uu utaageerayo qorshaha jubbaland iyo heshiiska somaliland iyo kilinka 5aad waa wax ubaahan in lafahmo ciyaarta siyaasdeed ee ka imanaysa NAIROBI iyo garoowe oo ay kala fadhiyaan raga wata siyaasadan,  hadaba maxaa lagudboon SOMALILAND iyo dawlada federaalka somaliya? waxaa lagudboon inay dhisaan qorshe siyaasadeed oo ay kumidaysanyihiin isagana ilaalinayaan hagardaamada ay wadaan shisheeye kalkaalka colaadu kufogaatay ee qaran dumiska ah ee qabiilka adeegsanaya iyadoon somaliyi colaad isu qabin kala dilaya, midnimada guud ee xaga dhaqanka IRIR waa lagama maarmaan degdega in loo abaabulo si loo fashiliyo khayaanadan weyn ee ay wadaan cadawga somaliya oo raba inay somaliya dib uqabsadaan.  fadlan kashaqee midnimada umada gobolka geeska afrika ugu badan ee somalida  hana taageerin cadawga dagaalka kadhex abuuraya beelaha wada dhashay ee somaliyeed ee IRIR, DAAROOD, DIGIL IYO MIDHIFLE, JAREER WEYNE IYO BEELAHA TUMAALE,MADHIBAAN,CARABTA,YIBRAHA, GABOOYAHA,  iyo kuwo kale oonan halka kusoo koobi karaynin. midinmadana waa awood ee hala ogaado.

Habiil  Cabdi Haybe/ London