Jaceylka Dhabta Ah Iyo Guusha Lamanayaasha Warbixin Xasaasi Ah.

MAQAAL

Jaceylka Dhabta Ah Iyo Guusha Lamanayaasha Warbixin Xasaasi Ah.
Waxa aan ku soo qaadan doonaa mawduuc ku saabsan qiimaha uu leeyahay jacaylku una dhaxeeya labada qof ee is qaba, inagoo sharaxayna macnihiisa cadaynaynana sirihiisa iskuna taagayna xaqiiqdiisa eegayna afkaaraha khaldan ee jacaylka intaa ka dibna ka qaadan doona kalgacaylkii Rasuulku (CSW) uu u hayay gurigiisa, inagoo muuqaalkeeda wax ka sheegi doona adeeci doonana muuqaalka kalgacaylka nin iyo xaaskii iyo in uu u baahan yahay wakhti labada qof ay ku asaasi lahaayeen jacayl iyo anagoo siinayna dardaaran labada qof ee jacaylku dhex mari doono. Waxa mahadleh Ilaahay (SW) Nabi Maxamedna N.N.K.H iyo asxaabtiisi iyo ehelkiisi iyo intii xaqa ku raacaday ilaa maalinta qiyamaha.

Maxaad tahay Jacaylow? Figrado ayaa odhanaya jacaylku waa aragtida u horeysa, jacaylku waxa uu sameeyaa mucjisooyin, jacaylku waa uu indha la yahay, jacayku waa cadaab, jacaylku muxuu dad laayahay, jacaylku dadka yar yar ayuu ciro ka soo saaray. Jacaylku waa waraabiyahay nolosha iyo macaanka ruuxda jacaylku waxa uu ku sifoobaa nolol qurxisa nafta, jacaylka waxa lagu galaa danbiyada yaryar waxana uu soo badhigaa wanaagyada maalinta uu jacaylku dhamaado naftu waxay ay gashaa cidhiidhi cadhaduna iyo mushkiladuna waxay noqota mid aloosan, hadii ay badu ay leedahay xeeb hadaba jacaylku waaa mid aan lahayn xeeb, jacaylka dhabta ihi waa ka dhex mara lamaanaha xalaasha isku guursada sifo waafaqsan shareecada islaamka waxana uu ka bilaamaa ayaamaha ugu horeya guurka sanadada hore iyo kuwa dhex iyo ugu danbeen ayaamaha nolosha aduunyada, aduunyada hadalkeedadaa ilaa nolosha aakhiro Hadii uu guriga uu ay soo dhex gasho is jacayl iyo is adeecid oo illaahayna waafajiyo taasi waxa ay ku yeelanaysaa qoyska raadwayn iyo isku soo dhowaasho labada qof sidoo kale adeecida illaahayna iyaduna raadwayn ayay ku yeelanaysaa sida ay xumaantu ugu yeelanayso raadwayn mushaakilka iyo khilaafka halkaa yimaada iyo iswaafaqla’aanta labada qof.

Aragtida Jacaylka dhabta ahi Waa Halacsiga hore shay kasta oo dhismihiisu aan lahayn sees adag waa mid dumaya, jacaylka khiyaaliguna ma dhaafsana caalamka riyooyinka iyo sheekooyinka iyo filimada qofka ku noolada xaqiiqada waxa uu helayaa jacayl munaafacaadka leh, waxa aan kula dardaarmayaa ninka iyo gabadhaba in ay samraan oo aanay deg degi ilaa ay isku bartaan si dhamaystirin oo kalgacal leh bal inankan eeg waxa uu gacantiisa ku qoray adiga waan ku jirabay waxana u diray ninkasta iyo naag kasta in ay soo saraan kalgacal dhibatada ka dib anigu waxa aan ahaa nin dhalinyara ah oo waan guursaday waxana aan ahaa bilays intaanan guursan ka hore waxa aan guursaday gabadh aad u quruxbadan oo kaliya wax kale mabaan doonayn imikana waxa aan guursaday ilaa labaatan dumar ah,

markaan habeenkii la aqal galo waxaba aan ka wayaan quruxdii ilaa ay reer kayaguna ay igu yidhaadan maba quruxbadna waa sidan waa sidan iyo sifooyin aan wanaagsanayn ayaa la igu yidhaa ilaa arinkayagu ku dhowaado in aanu kala tagno, waxa aan go’aan ku gaadhay in aan iska yara samro inta illaahay nakala furanayo isagaa arinkiisu fulayaaye intan samrayay waxa aan arkay quruxdii ruuxdeeda iyo macaamiladeedi wanaagsanayn jacaylkeedi dhabta ahaa daacad nimada iyo xishmaynta diinteeda taas ayaana igu kaliftay in aanan raali ka noqon in la igu badalo ta aduun yada ugu quruxda badan, shayga aanan ilowbayn waa sidii ay salaada u tukan jirtay wakhtigeeda iyo siday salaatul laylka u tukan jirtay iyo sida deg deg ah ee ay iigu keeni jirtay waxa aan ka dalbado,

sida ugu dhamaytirin uguna wanaagsan mana qarinayo in aan jecelahay imika, kumanaan raaci qurux man awaalka ah waa quruxda dhabta ah waa quruxda ruuxda maaha quruxda wajiga ee dhamaanka leh, inankaasi miyuu wax dhaafay? Gabadhaa ma waxbaa seegay? Waa sida aan idiin rajaynayo idinka ayuu ku koobay hadalkiisi.
Waxa uu I xasuusiyay kii yidhi gabadha degani waa ta karaysa in ay ku beerto quruxdeeda qalbiga ninka xitaa hadii ayna quruxbadnayba hadii aad I tiraahdaan side ayay ku dhacaysa waxa aan leeyahay waxa la gudboon in ay ahaato mid karaysa ilhaaminta iyo abuurida nolosha qoyskeeda, waxa aad iga rajaysaa gabadh yahay in aad ku gaadho quruxda hadalkaaga iyo dhaqankaaga dharajo aan ku gaadhin quruxda wejigaaga, Sidaa ma yeeli kartaa?

Qore Cabdikhaaliq Diiriye

Burco