Kaalintee ayuu Magafahu Ku Leeyahay Tahriibka Da’yarta Dalkee Sii Badanaya? Qalinkii: Maxamed Addis

Maxamed adiisMuddo ayaa ka soo wareegtay markii Tahriibtu dhalinyaradda loo aqoonsaday inay tahay masiibo qaran, taas oo shacab iyo xukuumadba dadaal looga galay sidii loo baajin lahaa da’yarta dalka ka haajiraya.

Xukuumadda Somaliland ayaa u saartay gudi uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay si ay talooyin ugasoo bixiyaan sidii loo yarayn lahaa qul qulka dhalinyaradda dalka ka baxaysa, inkastoo saamayn guulo la taaban karo ayna kasoo hoynin.

Maalin kasta waxaa dalka ka baxa da’yar tiro badan oo hiigsanaysa mustaqbal kan ay haystaan dhaama iyagoo beegsanaya galbeed si ay uga talaabaan saxaraha iyo bada Mediterranean-ka una gaadhaan xeebaha qaaradda Yurub.

Tahriibka dhalinyaradda ayaa maanta maraya heerkii ugu sareeyay ee abid uu gaadho, taas oo marka laga tago mugdiga da’yartan haajiraysa kaga jira mustaqbalkooda ay sabab u kaalinta ugu way nee dhiiri galinta inay ku dhiiradaan ay leeyihiin dadka wax tahriibiya.

Waa marag madoon in qofka tahriibaha ahi uu u baahan yahay kharas uu ku jid maro, xadidka uu doonaba ha ahaadee, taas oo dhalinyaro badan oo dhaqaalaha qoyskoodu yar yahay amaba aan qacanta ku dhigi karin kharashka intaas le’eg ka mooraal jabin jirtay inay ku dhiiradaan tahriib. Tusaale ahaan, Sida ay laga wada war hayo, wuxuu u baahan yahay wiil yare e doonaya inuu tahriibo ee uu saxaraha ka gudbo, kadibna dooni ka raaci Libya oo uu xeebaha dalka Talyaaniga kharash laxaad leh oo uu ku jid maro, oo mararka qaarkood lagu qiyaaso dhawr kun oo Dollar-ka Maraykanka ah inuu jeebadda ku sito.

Balse maanta amuurtaas waa la iskala tagay oo dadka tahriibinaya dadka maanta qofka tahriibaha ah wax kharash ah kuma xidhaan, iyagaana dabarra maaliyadda uu qofku ku jid marayo. Hadaan halkaas sii faahfaahiyo, dadka dadka tahriibiya ayaa kharashka tahriibaha qaba ilaa inta uu gaadhayo meel cayiman, marka uu ka ambo baxayona Hargeysa ama Burco xataa hadaanu kun Shillin jeebadda ugu jirin.

Dadkan ka ganacsada tariibtinta dadka waa silsilad taxan oo dhararan ilaa iyo Libya, waxaanay qofka oo sidaynu hore usoo xusnay waxba sidan ka kaxaynayaan Hargeysa amaba Burco oo ay u joogaan wakiilo, kadib waxay koox kale oo sugaysaa qofkii kula wareegeysa masuuliyadiisa markuu Ethiopia tago oo ay qacanta ku haynayaan ilaa iyo intay gaadhsiinayaan xadka Ethiopia iyo Sudan u dhaxeeya. Xadkaas markuu qofku taagan yahay waxaa masuuliyadiisii sidoo kale la wareegaya koox kale oo dalkaas joogta oo qofka dhaafinaya Sudan iskuna sii dhaafinaya dhanka xadka Libya.

Lasoco oo qofka intaas wax kharash ah lama waydiinin, kharashkii uu jidka kusoo maray iyo dadkii soo mariyayba waxay kharash qaadanayeen waa la qabay.

Markuu xadka Libya marayo qofka tahriibaha ah waxaa masuuliyadiisa la wareegaya qofkii qabay kharashkuu jidka kusoo maray ee maal galinayay intuu jidkaa dheer soo marayay. Waxaa dadkan loo yaqaanaa amaba dadka Somali-du ku naanaysaan Magafe.

Magafahan ayaana maal galinayay tahriibaha intuu soo socday oo dadka Sudan dhaafinaya ay ku wareejinayaan. Magafahaasi wuxuu leeyahay xarun uu dadka lagu xidho, markaas ayaanay bilaabmaysaa in lacagtiisii uu soo ceshado, oo waxaa markaas lalasoo xidhiidhayaa qoyska qofkii tahriibaha ahaa oo la waydiisanayaa madaxfurasho iyadoo loo caga juglaynayo.

Dadkaas Magafayaashu waxay qofka qoyskiisa waydiistaan lacago kala duwan lakiin marka laga qaato Avarage 3000-4000 oo dollarka Maraykanka ah, taas oo hadii laga bixin waayo loo sheegayo qoyska inuu noloshiisu ku xidhan tahay.

Dad mareegtan wax tahriibisa oo aan la kulmay ayaa ii xaqiijiyay inuu Magafayaashu yihiin dadka halbawlaha u ah khariiradda tahriibka, ee waliba maal galiya.

Mar aan wax ka waydiiyay waxa uu qofku filan karo hadii laga bixin waayo kharashkan madax furashadda ah waxay ii sheegeen in qofka jidh dil lagu samayn doono, kadib mudo todobaad ah hadii qoyskiisu bixin waayaan lacagta amaba ay la habsaamaan. Waxaana qofka loola dhaqmayaa sidii adoon oo kale oo waa lagu shaqaysanayaa.

Waxay ii sheegeen in jidh dilkaasi uu heerar kala leeyahay oo qofka markay sii raagtoba lacagtii laga doonayay ciqaabtiisuna ay sii kordhayso, oo waxay muqaal ahaan ii sheegeen in qofka silsilado si aanu u baxsan lugaha lagaga xidhayo oo si joogto ahna lugaha looga garaacayo. Hadii uu jidh dilkaas lagu wado qofkana mudo 2 bilood ah oo qofku laga yaabo inuu dhul yaal noqdo amaba uu cuuryaamo, hadii aanu ku god galin.

Waxaan kale oo aan wax ka waydiiyay hadii ay dhacdaba in shakhsi tahriiba ah laga bixin waayo lacagta madax furashadda ah, siday doontoba ha u dhacdee waxa ay noqonayso ciqaabtiisu iyo waxa ka jira in qofka ay sidaas usoo maal galiyeen ee lacagtii usoo celin waaya inay qaybo kamid ah jidhkiisa u iibiyaan Isbeerbaarti ahaan? Way dafireen inay jirto arrintaasi oo waxay ii sheegeen inay tahay dacaayado sal iyo raad toona lahayn. Balse, waxay ka dhawaajiyeen inayna Somalia ahayn dadka jidhkooda la iibiyo ee aan maqlay, balse ay yihiin dadka kasoo jeeda Ethiopia, Eritrea iyo dalalka kale ee saxaraha ka hooseeya.

Sidoo kale, waxaanu ilo u dhuun daloola oo kale ay ii sheegeen inay Magafayaasha la xadheeyaan xidhiidh dhakhaatiir Masaari ah oo si sharci daro ah uga ganacsada qaybaha jidhka bilaa aadamka, kuwaas oo kalida kaliyah ee qofka tahriibaha ah ee caafimaadka qaba ka siista Magafayaasha adduun dhan $20,000-$40,000 inta u dhaxaysa qiyaastii.

Taas ayaana i qancisay, maadaama oo ay marag madoon tahay in khasaaraha maal ee qofku uu gaystay inuu soo celiyo.

Maal gashigaas balaadhan ee uu qofka uu gashanayo Magafuhu waxaa aan la iska indha saabi karin in aanu sinaba ku khasaaraynin oo uu lacagtiisa kusoo ceshanayo hadii magac furashadii la bixin waayo, ay ugu soo xaroonayso oo uu waliba lacag intay doontaba ka badan ay ugu soo xaroonayso Kalli Kaliyah oo uu iibiyo.

Waxa kale oo intaas sii dheer ee aan waliba la xaqiijin karin tacadiyadda uu dumarka tahriibaya u gaysanayo ee Kufsiga joogtadda ah.

Iskusoo wada duuboo, tahriibka oo baryo dhawayd yaraaday—sida ay noosheegeen dadkaas ku dhax jiraana ay sabab u ahayd, tahriibayaasha oo lacag hori marin ah lagu xidhay—ayaa wakhti xaadirkan dib usoo karaar qaatay. Kaas oo sababta ugu muhiinsani ay tahay shakhsiga tahriibaha ee aan lacag hori marin ah laga doonaynin.

Inkastoo ay jirtayna dhawaanahan xanta ah in uu Magafuhu uu maal galiyo socdaalka boqolaalka dhalinyaro ee dalka ka tahriibaya, hadana xukuumadda Siilaanyo iyo gudidii ay u saartay toona way ku guul daraysteen inay majaraha u laabaan silsiladdan dhararan ilaa iyo Libya.

Qalinkii: Maxamed Xasan Cabdi (Maxamed Addis)

Email: moaddis@gmail.com