Komishankii Doorashooyinka Qaranka Ee Ina Xamari Gudoomiyaha U Ahaa Oo La Baafinayo!, By Adan Axmed nuur

Komishankii Doorashooyinka Qaranka Ee Ina Xamari Gudoomiyaha U Ahaa Oo La Baafinayo!, By Adan Axmed nuur

Markii la magacaabay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka haya ayaa waxay soo qabteen doorashadii madaxtooyada ee dhacday 2010 kii sida bulshada reer Somaliland ay markaas u arkaysay waxaay ku qiimeeyeen gudi sifiican uga soo baxay hawshii loo igmaday oo aan ceebi karaacin iyaga oo ku qiimeeyay doorashadii markaas qabsoontay oo aanay ka dhicin wax is qab qabsiya iyada oo madaxweynihii markaas xilka hayay mudame daahir rayeele kaahin si sharaf iyo milgo leh ugu wareejiyay xilkii markaas lagag adkaaday una haniyeeyey madaxweyne siilanyo,

waxay gudidaas doorashooyinka qaranku umada ka kasbadeen kalsooni aad u balaadhan waxayse nasiibdaro aad u balaadhani dhacday markii la furay ururada ee loo tartamay sadexda xisbi qaran cidii ku soo bixi lahayd waxa dalka laga sameeyay gudi kale oo loogu talo galay inay kala saaraan ururada markaas tartamaaya oo layidhaah gudida kala reebida ururada waxaanay sharciyadoodu ahayd mudo laba sano ah shaqadooduna waxay ahayd inay kala saaraan ururada markaas saaxada siyaasada ku tartamaaya waxaana magacaabay madaxweyne siilanyo,

hadaba waqtigii daarashada golayaadha deeganka loo dareeray wixii ka dan beeyey ayaa umada reer Somaliland saluug aad u balaadhan ka muujiyeen dhex dhexaadnimada labada gudi waa gudida doorashooyinka qaranka iyo gudida kala reebista ururada waxaana ka muuqatay inaanay dhex dhexaad ka ahayn doorashadii dhacday ee golaha deeganka taas oo ururaduna uga gudbayeen heer xisbi,

waxaa meesha ka baxay awoodii dastuuriga ahayd ee aadka u xooga badnayd ee ay lahaayeen gudida doorashooyinka qaranku oo ay muuqatay inay si dadban ugu wareejiyeen gudidan kale ee loo xulay inay kala reebaan ururada iyadoo ay ahayd inay dusha kala socdaan oo ay is hortaagaan wixii ay khaldaan ee dhinaca doorashooyinka iyo tartanka asxaabta ku saabsan ileen iyaga ayaa ah gudidii ugu sareeyay ee ay tooska u khusaynaysay wax kasta oo doorasho ku saabsan! waxaa umada u muuqatay inaanay dhex dhexaad ka ahayn shaqada ay qaranka u hayaan oo wax isdabamarin balaadhani jirto!

goorma ayay muuqatay inaanay dhexdhexaad ahayn?

markii ugu horaysay ee ay muuqatay inaanay dhex dhexaad ka ahayn shaqada loo igmaday waxay ahayd markii lagu dhawaaqay natiijadii golaha deegaanka hargaysa ee ay komishinka afkooda kayeedhay xaafada axmed dhagax natiijadeeda wax baa ka khaldan iyo gobolka moroodi jeex waana in dibloogu noqdaa! ee wax yar kadib makii dhabarka lasoo taabtay ay bedeleen rayigoodii oo ay ku adkaysteen natiijadii hordhaca ahayd ee lagu dhawaaqay!,
waxay lumiyen kalsoonidii balaadhnayd ee ay umada ka kasbadeen doorashadii madaxtooyada ee ay hore u soo qabteen waxaana mugdi galay inaanay doorashadii hore ee madaxtooyadaba aanay daacad ka ahayn oo wax isdabamarini jirtay wallow ay umadu markaas isbedel doon ahayd oo aad loo jeclaa in awooda dalka koox cusubi qabato oo cid kale lagu tijaabiyo wax kasta oo khaldanaana waxaa qarisay xamaasadii markaas umada ka muuqatay ee isbedel doonka ahayd!,

sidee lagu aamini karaa laba kooxood oo is ku milmay oo aan kala caday shaqadii ay umada u hayeen kal soonidii umadana lumiyey inay garsoore ka noqdaan doorashooyinka danbe?!,

hadii lawaayo komishan cadaalad iyo garsoor ku shaqeeya oo bulshada iyo asxaabta siyaasada ku tartamaya dhexdhexaad u noqda waxaa dhacada in amaanku faraha ka baxo oo khalkhal siyaasadeed dalka ka curto waxaana tusaale kuugu filan markii 2009 kii dalka Kenya komishanka doorashooyinku awoodi waayay inay runta ka sheegaan cida sida rasmiga ah ugu guulaysatay doorashada dalka waana tii la ogaa wixii xasuuq ka dhacay dalkaas iyo khal khalkii siyaasdeed ee la soo gudboonaaday, hadaad aragto dal degan oo xasiloon waxaa xasilan siyaasada dalka waxaana yar khilaafka siyaasadeed ee dalkaas,

waxaynu la wada soconaa doorashadii goloyaasha deeganka ee ay ka garsoorayeen komishankan is xanbaarka ah halka ay bulshadii isku duubnayd ay kala geysay waxaanay dhaxal siisay is aamin la,aan iyo dadkii u han waynaa nidaamka xisbiyada badan oo candhuuftoodii dib u liqay! waxaana laga yaabaa in lawaayo cid doorasho danbe u soobaxda oo cod keeda bixisa! hadii hada dadka rayigooda la qaadana 100%90 maba aaminsana xisbi siyaasadeed ayaa ku metalaya oo codkaaga aad siin kartaa! waayo waxay dib ugu noqdeen marxaladii qabiilka ee ay ka soo gudbeen xisbiyadiina waxay u arkaan inuu yahay awr ku kacsi marba qofka hogaanka u ah iyo reerka uu ka dhashay ay ku shaqaysanayaan!

hadaba si aanu dalku xasilooni siyaasdeed u gelin waa in kalsoonida lagala noqdaa komishankan isku milmay ee aan dhexdhexaadka ahayn waana inaanay aqbalin xisbiyada mucaaridku inay ka garsooraad doorashada soo socota si loo helo komishan xor ah oo dhex dhexaada.

aadan axmed nuur
khuurshe11@hotmail.com