(SM:Muqdisho) Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inaan laga dhoofin karin dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo, iyadoo uga digtay ganacsatada dhuxusha inay dhuxul ka dhoofiyaan dekedda Kismaayo.
“Saraakiisha Al-shabaab ayaan la kulannay waxayna noo sheegeen inaan ka dhoofin karin dhuxul dekedda magaalada Kismaayo,” ayuu yidhi mid ka mid ah ganacsatada dhuxusha.
Ganacsatadan ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay soo saartay amar ay ku joojinayso in dhuxusha laga jaro deegaannada ay ka taliso, taas oo ay ku sheegeen inay tahay cunno-qabteyn ay ku soo rogtay Al-shabaab.
Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeysay maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamada Kenya inay dhuxul ka dhoofinta dekedda Kismaayo, taas oo uu maamulku horay u joojiyay.
Salaanmedia/Mogdisho