Kulan Siweyn Loosoo Agaasimey Oo Ay Sooqaban qaabiyeen Gududa Qaban-qaabada waddada isku xidha,Togdheer,Saraar iyo Sanaag (TTS)ayaa Lagu Qabtay Bariga London.

IMG_0244 (800x533)

Kulan Siweyn Loosoo Agaasimey Oo Ay Sooqaban qaabiyeen Gududa Waddada Ceerigaabo Iyo Burco Udhexaysa Ayaa Lagu Qabtay Bariga London.

IMG_0358 (800x533)

Xaflad balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen gudida qaban qaabada ee waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Magaalada Burco ayaa salaadi Jimcaha ka dib lagu qabtay Bariga magaalada London, kulankan oo si heersare yo jawi aad uqurauxbadan loosoo agaasimey, waxa isugu yimi, madax dhaqameed, odeyaal wax garad kale iyo xubno ka socday saddexda xisbi qaran ee Somaliland,waxa goobjoog ahaa Tv ga Qaranka Somaliland, iyo Tv ga Soamalisat, ugu horeyntii waxa lagu furay quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyey, Sheikh Saciid Maxamed Ducaale, sheekhu wuxuu ka hadlay Jid  lasameyaa iney ka mid tahay, waxyaalaha waqafka ah iyo fadliga ay leedahay sadaqadda aan go’in ee  ah sadaqatul jaariya, ayna tahay wax qofka weligii usoconaya, ayna habboontahay in aan ladaycin ee laga faaiideysto siweyna looga qaybqaato.

 IMG_0359 (800x533)

Intaa ka dib shirkan oo uu xidhidhinayey, Maxamed Ismaaciil Jamac waxa ku xigey oo si weyn ufaahfaahiyey gudoomiyha gudida shirka sooqaban qaabisey, mudane Axmed Cumar Sangoore mayorkii hore ee degmadan Towehamlet London ahaana ninkii Soomaliyeed ugu horeeyey ee London Mayor ka noqda iminkana ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Towerhamlet ee bariga London, gudoomiyuhu  wuxuu ka hadlay isagoo sookobay gudidan iyo waxqabadkeedii muddadii ay aasaasantay, wuxu tilmaamay iney xilweyn iska saareen sidii arintan loo iclaamin lahaa dadkana loowada gaadhsinlahaa islmarkaan isagu uu diyaar uyahay inuu mashruucan qayb kaqaato albaabkasta oo dhaqaale looga raadinayona uu garaaci doono haddaii allaha awooda lihi saamoxo.

 IMG_0355 (800x533)

Waxa hadalka kusoo dhowaadey oo isagunasheegay waayeel ahaan iney barbar taagan yihin isaga oo sheegay inuu shakhsiyan yahay Suldaanka guud ee beelaha Isaaqa ee waddankan England ayna, waxa habboon ayuu yidhi odeygu in laga shaqayo mustaqbalka ubbadkeena dhaxal wanaagsanna looga tago, waxan uhambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud dedaalkiisa dhinaca horuumarka kusaabsan wadanka.

IMG_0244 (800x533)

Waxa ku xigey afhayeenka ururkan waddada runtiina ah xubin aad ufir fircoon Keyse Geele Xidig, wuxu hadalkiisa ku bilaabay waxan salaamayaa, madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud iyo dawladiisa, waxan umahadinyaa Gudidda heer qaran ee waddada ee uu gudoomiyaha uyahay wasiir Xirsi Cali X Xassan, waxan uhambalyeynayaa dadka reer Sanaag gaar haan Ceerigaabo sida xilkasnimada leh ee hawsha waddada usoo dhoweeyeen hantigoodana ugu hureen.

 IMG_0243 (800x533)

Waxa ku isaguna hadalka halkaa kasii amba qaadey gudoomiye ku xegeenka gudida qabanqaabada waddadan ee wadankan Axmed Cumar Jabaabul oo runtii sicad utilmaamay hawshan in siwanaagsan lootaagero xilweyn leyska saaro si ay u hirgasho, waxaynu ognahay gudihii siwanaagsan ayaa leysugu taagey magaalada Ceerigaabo, sidaa daraadeed anguna waxanu halkan ka iclaamineynaa in shirweyne laysugu yimaado kazoo aanu go’aaminey goobtii iyo maalintii, isla markaana aanu warbaahiyayaasha soogelindoono maalinta iyo goobta lagu qabanayo intaba.

 IMG_0240 (800x533)

Dadkii shirka kazoo qayb galay wax aka mid ahaa maareeyaha TViga qaranka Somaaliland mudane Cabdiraxmaan, maareeyuhu wuxuu sihufan oo kooban usheegay inuu mashruucan soodhoweynaayo, madaxweynaha iyo dawladiisa ku amaanayo, wuxu yidhi diyaar ayaan u ahay inaan ka qaybqaato meelkasta oo lagu qabanayo xaflad mashruucan ku saabsan aanna ka qayb geleyo dhaqaalaha loo ururinayo, waxa kusii xigey oo Gudoomiyaha xisbiga mucaradka ah ee Wadani ee dalkan ingiriiskamudane Axmed Maxamd Cali Naahi, gudoomiyuhu wuxuu yidhi, waxan umahadinayaa gudidan sharafta leh ee shirkan sooqabanqaabisay, waan ku garabtaaganahay dedaalkooda, hawshan iyo dedaalka loogu jiro in wadanku isu furmo si ay dadku ubooqdaan meelaha bilicda leh ee dalxiiska loo taggo ee ku yaala goblkan Sanaag iyo waxa kale oo ku hagaagaya waxsoosaarka iminka cakiran ee dadka gobolkan ku nooli ay hayaan, waxanu dadka ogeysineynaa in shirweyne leysugu yimaado waddadan lagu taageerayo, waayo maanta sheekadu xisbi maaha ee waa hawl qaran.

 IMG_0268

Waxa isaguna halkaa hadal taarikhi ah kazoo jeediyey tilmaamay Ibraahim Maxamed Cali oo Gujis ku magacdheer, wuxuu yidhi waxan umahadinayaa Madaxweynaha mudane Axmed Maxamed Maxamuud ku dhaciisaa geesinimada leh, anigu waxan sootaagnaa maalintuu uu Xaaji Aadan gabayga kusoo dhoweynaayey Aadan Cadde, waqtigaa waxan ardey ka ahaa iskuulka Dayaxa oo aan fasalka afraad ku jirey, waxan aad ugu faraxsanahay sida degaankeygii looga diyaargaroobey, waa waajib ina wada saran arinkan sidi aynu utaageerilahyn dhamaanteen.

 IMG_0231 (800x533)

Waxa hadalka siiwaday Xuseen Jaamac Xagar oo runtii ka mid ah waayeelka ugu dedaalka badan dhinaca horuumarka waddankii hooyo kana mid ahaa gudiyadi aadka uga shaqayey madaarka magaalada Burco ee gobolka Togdheer,odeygu wuxuu yidhi waxan umahadinayaa Madaxaweynaha iyo dawladiisa xilka weyn ee aan hore noosoo marin iska saarey, waxa hore loo tilmaami jirey reer barigu inuu gacan yahay adadgyahay, laakiin manta taasi beenowdey, waxan ku faraxsanahay sida magaaladeydii Ceelafeyn xoolaha faraha badan loogaga deeqay waddadan oo ah shay aad loogu baahnaa.

IMG_0250 (800x533)

Waxan leeyahay tartan ayaa socda ee yaan lookala hadhin, waxa hadlka siiqaatay Mubaarik Hilaac Maxamuud oo ka mid ahaa xubnihii iyagu ka socdey xisbiyada qaranka, wuxu yidhi waxan aad ugu mahadinayaa Madaxweynahamudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo dawladiisa iyo dawladiisuba dedaalkaas adka uqiimaha badan ee ay muujiyeen, anigu waxan ka mid ahay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, hadana waxanu dawlada ku bar bar taaganahay mashruucan hir gelintiisa, waddadan oo ah lafdhabar, waxan aad iyo aad ugu bogaadineynaa,dadweynaha reer Ceerigaabo dedaalkoodaas layaabka leh ee samayeen, waxa halkaas ka hadlay odeyaal dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, Siciid Ducaale yo Cawil Cali Dacar, dadka ku adkeeyey in arintan loo dedaalo oo aan waxba lagala hadhin

IMG_0207 (800x533)

Hadalku yaanu ila daaqtegine waxan kusoo koobayaa, kalmaddo kooban oo uu si qurux badan u dhigey gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, wuxuu yidhi, ummad kasta waxa lagu qiimeyaa isbedelka waxqabadkeeda.

 IMG_0293 (800x533)

 

IMG_0163 (800x533) IMG_0161 (800x533) IMG_0327 (800x533) IMG_0293 (800x533) IMG_0166 (800x533) IMG_0167 (800x533) IMG_0167 IMG_0168 (800x533) IMG_0169 (800x533) IMG_0170 (800x533) IMG_0177 (800x533) IMG_0184 (800x533) IMG_0186 (800x533) IMG_0187 (800x533) IMG_0191 (800x533) IMG_0195 (800x533) IMG_0196 (800x533) IMG_0199 (800x533) IMG_0200 (800x533) IMG_0201 (800x533) IMG_0205 (800x533) IMG_0206 (800x533) IMG_0207 (800x533) IMG_0208 (800x533) IMG_0212 (800x533) IMG_0217 (800x533) IMG_0226 (800x533) IMG_0227 (800x533) IMG_0236 (800x533) IMG_0235 (800x533) IMG_0231 (800x533) IMG_0228 (800x533) IMG_0242 (800x533) IMG_0240 (800x533) IMG_0239 (800x533) IMG_0237 (800x533) IMG_0245 IMG_0245 (800x533) IMG_0244 (800x533) IMG_0243 (800x533) IMG_0250 (800x533) IMG_0249 (800x533) IMG_0248 (800x533) IMG_0247 (800x533) IMG_0266 (800x533) IMG_0265 (800x533) IMG_0252 (800x533) IMG_0250 IMG_0294 IMG_0287 (800x450) IMG_0286 (800x450) IMG_0267 (800x533) IMG_0303 (800x450) IMG_0305 (800x533) IMG_0303 IMG_0335 (800x533) IMG_0331 (800x533) IMG_0327 (800x533) IMG_0305 IMG_0350 (800x533) IMG_0349 (800x533) IMG_0348 (800x533) IMG_0340 (800x533) IMG_0355 (800x533) IMG_0353 (800x533) IMG_0352 (800x533) IMG_0351 (800x533) IMG_0361 (800x533) IMG_0360 (800x533) IMG_0359 (800x533) IMG_0358 (800x533) IMG_0371 (800x533) IMG_0370 (800x533) IMG_0365 (800x533) IMG_0364 (800x533) IMG_0376 (800x533) IMG_0375 (800x533) IMG_0373 (800x533) IMG_0372 (800x533) IMG_0404 (800x533) IMG_0402 (800x533) IMG_0401 (800x533) IMG_0400 (800x533) IMG_0399 (800x533) IMG_0398 (800x533) IMG_0397 (800x533) IMG_0377 (800x533)

Amaana Allah.

Qalinkii Keyse Siciid Axmed [Qaareweyne] iyo Xamse Axmed Salaan

London.