La-dagaalanka Qalinka & Xoriyatul Qowlka

Waxa baryahan danbe si xawliya isku soo taraysay cabudhinta, cago juglaynta, cadaadinta,cuno qabataynta jeebaynta, shirqoolida, iyo waliba hanjabaadaha lagula kacayo qalinlayda……

Cabso iyo carjuuqdhiyo 
Hadaan taladu cayn guurin 
Qori caaradii iyo hadaan cudud lamaalaynin 

Waxa baryahan danbe si xawliya isku soo taraysay cabudhinta, cago juglaynta, cadaadinta,cuno qabataynta jeebaynta, shirqoolida, iyo waliba hanjabaadaha lagula kacayo qalinlayda iyo siyaasiyiinta sida xorta ah u cabiraya fikirkooda iyo aragtidooda ay ku hogo tusaalaynayaan xukumada iyo shacabkaba iyagoo ugu nasteexaynaya hadba wixii dalka iyo dadka dan u ah, Waxaynu dhamanteen Markhaati ka nahay oo marag ma doon ah, in xukumadu la soo baxday habdhaqan xun oo lagula dagaalamayo qalinlayda iyadoo aynu goobjoog u wada ahayn xadhiga aqoonyahano iyo waliba qalinlay farabadan oo si sharci daro ah loo jeebeeyay xoriyadoodiina looga qaaday, iyadoo ujeedadu tahay cabsi galinta Aqoonyahaniinta wadanka,dhalinyarada, abwaanada, culimaa’u diinka iyo waxgaradka, waxa aynu ka warqabnaa in in badan oo ka mid ah suxufiyiinta wadanka lagula kacay xadhigyo iyo hanjabaado lagu waxyeelaynayo dimuquraadiyada iyo xoriyada saxaafada, waxa sida dharaarta u cad in siyaasiyiintii xisbiyada mucaaridka lagula kacay hanjabaado iyo cunaqabatayn laga saaray fagaarayasha siyaasadeed, sida ka hadlida xafladaha, iyo munaasabadaha xusaska, waxa la ogsoon yahay in abwaano dadka qiimo ku dhexleh ay ku jiraan jeelasha ,qaar kaloo ka mid ahna lahadiday loona hanjabay, iyadoo lagu dhibaataynayo wacyigalinta/baraarujinta bulshada, waxaynu ogsoonahay cabudhinta lagu hayo waayeelka ahna siyaasiyiinta, aqoonyahaniinta iyo waliba mujahidiintii wadanka u soo halgamay, waxa dhalinyaradii wadanka loola dhaqmay hab bahadil ku ah mustaqbalkooda iyadoo aynu ognahay siday rajola’aanta dhalinyarada ee ay badaha iskugu halagayaan ayaa intii wadanka joogtayna laga dhigay qaar loo hanjabo, qaar lagu kasbado balanqaadyo mansabeed, qaar duruufo dhaqaale looga faa’idaystay, qaar jibo qabiil/tolay ku raxlaynaya, bal aynu u jeedada u soo daadagno, waxaynu si hufan u gorfayn doonaa, Dhibaatooyinka ay keento cabudhinta dadwaynuhu? Mashakilaadka laga dhaxlo ladagaalanka qalinka iyo xoriyatul qawlka? Waxaynu iftiimin doonaa astaamaha kalidii taliska, waxaynu soo bandhigi doonaa, Qalinlayda u xidhan xaqdarada ee jeelasha ka buuxda, waxaanu ku xigsiin doonaa, Abwanada wadanka ee qayral sharciga u xidhan, waxaynu sidoo kale qaada dhigi doonaa suxufiyaanta la xidhay iyo kuwa loo caga jugleeyay, kuwa la shirqooli gaadhay iyo kuwa la shirqoolay ee shirqoolkoodii fashilmay, waxaynu sharixi doonaa shirqoolada dhagaraysan ee dhibanayashii la dacwaynayo, waxaynu bulshada u iftiimin doonaa cabudhinta siyaasadeed ee lagu hayo haldoorka umada, sida xisbiyada mucaaridka, qalinlayda , abwaanada iyo waliba culamaa’udiinka,waxa sidoo kale aan ka maqnaan doonin xarumaha/goobaha waxbarashada ee la siyaasadeeyay, iyo sidoo kale cawaaqib xumada ka dhalan karta bulshada hadii si khaldan loo jiheeyo. 

Dhibaatooyinka ay keento cabudhinta dadwaynuhu? 

Maaha dhacdo ugub ah, dhibaataynta, cabudhinta, hadiditaanka iyo cagojuglaynta shacabku inay danbarkeedu noqoto, burbur, kalaqaybsanaan bulshada dhaxdeeda ah, nacayb loo qaado xukuumada iyo sharciga, eex iyo guulwadayn, waxay horseeda in shacabku cadow ku noqdo wixii umada ka dhaxeeyay, iyagoo u arka sharcigii difacayay muwaadinka inuu yahay dabar bulshada lagu waxyeelaynayo, waxa dhacda in haayadihii amaanka ee shacabka ka ilaalinayay hagardamada iyo dhibaatada loo arko cadaw shacabka u muruq wayn, waxa dhacaysa in qabyaaladu ay xoogaysato, xukunkuna ku ururo casabad ama kooxo gaar ah oo ujeedo midaysay. 
Cabudhinta Shacabku waxay horseedaa burbur ku yimaada dawladnimada, dhaqaalaha, amniga , wada noolanshaha bulshada iyo dimuquraadiyada, 
Akhriste waxaad xogogaal u tahay kana dharagsan tahay jidkii uu maray Kalidii taliyihii Afwayne, bulshada reer Somaliland waxay khibrad fiican u leeyihiin mid dhugtay iyo mid u taagnaaba masiibada ka dhalan karta cabudhinta dadwaynaha/Shacabka. Abwaanba mark uu tilmaamayay dictatorka wuxuu lahaa: 
Aabaha Kacaankana 
Asmaadiisa boqolka ah 
Waan wada aqaanaa 
Maxaa yeelay waa amar 
Aynfaadka joogiyo 
Eedaadka Maantana 
Allihiisa weeyaan 

Hadaba ifafaalaha muuqdaa wuxuu sheegayaa inaynu cagta saarnay jidkii kalidii taliyaha iyo cabudhinta xoriyatul qowlka, bal si kooban haan idinkula wadaago dhacdooyinka ugubka ah ee saska ku beeraya bulshada 

1- Shirqoolada dhagaraysan:-Waxa ugub ah shirqoolada masuuliyinta iyo saxaafada lagula kacayo, waa dhacdo naxdin leh, waa dhacdo shaki iyo fidno ku dhex abuuraysa bulshada iyo qabaa’ilka dhexdooda, waa ifafaalada nabad galyo darada, waa dhacdo lidi ku ah amniga iyo qaranka jiritaankiisa , waa dhacdo ay ku suntanaan doonto xukumadani, waa dhacdo mudan in bulshadu meel uga soo wada jeedsato, waa dhacdo gagabaynaysa xoriyatul qowlka, waa dhacdo indhaha ka ridaysa dimuquraadiyada, waa dhacdo horseedaysa car juuq dhaha, waa dhacdo u baahan gurmada qaran 
2- Xadhiga Qalinlayda :- waxay ahayd shalay markii xisbiga kulmiye ahaa mucaaridka, waxay ahayd shalay markii sida xun loo aflagaadaynayay madawaynihii xukunka hayay ee dahir riyaale, waxay ahayd shalay markii wax laga sheegayay marwada madaxwaynaha, shalaybay ahayd markii kulmiye ku dhaleecaynayay UDUB cabudhinta xoriyatul qawlka iyo saxaafada, wakhtiga ayaa ka garniqi doona midkii wanaagsanaa labada maamule haan u soo noqdo dulucdayda, waxay ahayd dhacdo dhif iyo naadir ah in la arko wasiir kaladhka ama raqabada haysta nin qoraa ah amba muwaadin maqaal ka qoray masuul oo inta xoog loo adeegsado bilaa dacwada lagu soo xidho, waa raadad lagu xasuusan doono masuuliyiin wasiiro ah oo xukuumadan wadaxwayne siilanyo ka tirsan.LASOCO…………………. Abwaanada jeebaysan, Culamaa’u diinka la hadiday iyo mucaaridka la cunaqabateeyay, astaamaha kalidii taliska, waxaynu soo bandhigi doonaa, Qalinlayda u xidhan xaqdarada ee jeelasha ka buuxda si faahfaahsan iyo sababahay ku mutaysteen xadhiga. 

W/Q: Mohamed Abdikarim Omer 
bayono2@hotmail.com