Laba Meyd Oo Loo Maleynayo Kooxihii Weeraray Westgate Mall Oo Laga Soo Saaray Burburka Dhismaha

article-2464405-18CBC78700000578-372_634x478 (1)

Oct 18, 2013 (SM) – Laba qof oo loo maleeynayo in ay ka tirsanaayeen kooxihii weeraray xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ayaa shalay la soo saaray burburka dhismaha hoostiisa.

Guddoomiyaha gudiga baarlamaanka dalka Kenya u qaabilsan difaaca Ndung’u Gethenji oo ku howlan baarista sababihii keenay weerarkaasi ayaa sheegay in la helay laba qori oo AK47 oo loo maleeynayo in ay isticmaalayeen kooxaha fuliyay weerarkaasi.

Mr Gethenji ayaa sheegay in meydadka la helay ay yihiin kooxihii weerarka soo qaaday maadaama aysan ciidamadii howlgalka ka qeyb qaatay aysan isticmaaleeyn qoriga AK47ka.

Gethenji ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono meeydadkaasi.

Weerarkii Westgate Mall oo dhacay 21 bishii hore islamarkaana socday mudo afar maalmood ah ayaawaxaa ku dhintay in ka badan 67 qof.

Mas’uuliyiinta dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday magacyada iyo naaneeysta afar qof oo looga shakisanyahay in ay ka qeyb qaateen weerarkaasi.

Mr Gethenji ayaa sidoo kale sheegay in meyd kale oo laga helay burburka hoostiisa loo maleeynayo in uu yahay askari.

Wali ma kala cada tirada kooxihii weerarkaasi fuliyay iyo in ay baxsadeen qaar ka mid ah kooxihii weerarkaasi ka qeyb qaatay.

Mas’uuliyiinta dowlada Kenya ayaa horey u sheegay in kooxaha weerarkasi fuliyay ay u dhaxeeyaan 10 ilaa 15 qof,laakiin kaamarooyinka CCTV ga oo ku xirnaa dhismaha ayaa laga arkayay afar ka mid ah kooxaha weerarkaasi fuliyay.

SalaanmediaNews Desk