Maanso lamagac baxday Mas daalina.By: Cabdiwelli A.Yalas

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo akhristayaasha sharafta mudan.

maanso

Waxaan halkan ku soo gubinayaa maanso gaaban oo aan ku halqabsanayo mudane madaxweynaha JSL.Axmed Maxamed maxamuud siilaanyo, isla markaana aan kagala talinayo wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo soomaaliland ee madhalayska ah. Maansadu waxay ka hadlaysaa nasiib daradii ku dhacay reer soomaaliland lixdan kii markii ay dawladdoodii hadyadda ugu geeyeen reer koonfureed iyagoon wax shuruud ku xidhin iyo sida ay maantana mar labaad u sugayaan hadyad kale oo loo geeyo oo ay markale godkii hore god ka dheer ugu ridaan si aan diba loogu wada hadal, iyo reer soomaaliland waxa maanta la gudboon.
Ee ku soo dhawaada.

Siilaanyow mas daalini

haduu siibo xuubkii


Soow miciyihii iyo


Sunti weli kumay hadhin


Miyuu sahasho leeyahay.


Kala samirnay maantoo


Shanti kala sedqaadoo


Qolo  waliba soonay


Sumadeed ku dhigatee


Salaama ALLE uun dhaha. 


Sawtaynu beri hore


Soomaali doonee


Dawlad saanadeedaloo


Inoo dhalatay subaxaa


inagoon salka u dhigin


Saabka aan ku qaadnee


Safar xamar ku gaynee 


Shuruudli i ku siinee


Sooryadan hooya aan nidhi.


Lixdan sanaan sugaynoo


Maantay salaxantoo  


Sidigti aynu maaloo


Sabadii ku dheregnee


Saaka miyaan ka xaynaa


Socod xamar ku  gaynaa


Aanka sibiq dhaqaaqnee.


Miyaynaan siriyo caad


Kala saarahayn abid


Weligeen sax iyo qalad


Sifa-hooda baranayn


Surmo seegto daynayn.

 

Seef lagugu dili-laa 

Seedaha lugaa iyo 


Surka lagugu jarilaa 


Adigu ha isku soofayn 


Hana saxeexin weligaa.


Waa sida yaxaaskaa


Ilmada saydhinaayee


Waxba yay sasabo iyo


Kugu dagin sabaaloo


Hadhaw saymo ina gelin.


Lixdan sanaan sugaynoo   


Hashi way sedgoysee


Saaka miyaan ka xaynaa


Socod xamar ku  gaynaa


Aanka sibiq dhaqaaqnee.

Hadaad ina sanweyniyo

Jugle saan ku leedoo


Sinjina Aden aad tahay 


Soomaali laand badi


Sawd kuugu deeqeen


Nin sideetan jiraytoo


Soo jireena aadtahay


Waa inaad sinaaniyo


Saxa nagu dhaqdaayoo


Saxar aanu nagu dhicin


Taladu yay ku seegine


Suryadaad na marin iyo


Salaamada qarsoon iyo 


Wada hadalka soomaal


Iska sahami weligaa.

By: Cabdiwelli A.Yalas