Maayar Cabdishakur Cidin Ma Ucidbaa Mise Waa Kumiye By Abdikarim Abdilahi Ismail(Rigax)

 

Marka Hore Waxan salamayaa guud again shacabka somailand meel kasta oo ay joogan .gar ahaan bulshada gobolka saaxil sidokale waxan salamaya saxafada madaxbanaan oo hadh iyo habeen u heelan siday shacabkoda ugu soo gudbin lahayeen dhacdooyinka dhabta ah ee ku qotoma xaqiqoyinka jira dalka iyo dibadisaba.
Inta hadi an halkaa ku soo dhaafo, an uu gudubo dulucda maqalkeygan an ugu magacadarey Mayor cabdishakur cidin ma ucidba mise waa kulmiye !!!!!

Haddaba hadi la isku dayo jawabta dadbadani qabaan In anuu cadeyn mawqifkiisa rasmiga ah ee mayor cabdishakur cidin In u xisbiga ucid kamid yahey ama xisbiga kulmiye ka mid yahey.

Marka ay nu dib uu jaleecno Khudbadi uu mayor cabdishakur cidin ka jeediyey Munasibadi kulmiye uu qabtey ee uu ku cadeyn kari wayey mawqifkisa rasmiga ah waxa ka muqatey Inanu ka bixin xisbiga ucid isla markan anuu ku birin xisbiga kulmiye taaso oo an loga baran siyasiyiinta Somaliland jago kasta oo ay tagan yihin iyo meel walba oo ay jogaan isla markan anu distorka iyo qawaninta dalka uu yala anuu ogaleyn in siyasigu inu ka tirsanado laba xibsi iyo wixi ka badan tona.

Dhanka kale warasysi uu habeen dhaweyd siyey qaar ka mida warbahinta ayuu gebi ahaanba ku beeniyey Mayorka magalada berbera MudaneCabdishakur cidin Inuu anu ku birin xisbiga talada dalka haye ee kulmiye isagoo ku adkeystey in uu xubin ka yahey xisbiga mucaridka ah ee ucid.
Taaso markale amakak iyo layaab ku noqotey bulshada degmada berbera iyo gudahaanba dadweynaha reer Somaliland waxaney dadbadani ku sababeyeen hadaladaas iska hor imaadka ee ka soo yeedhaya Mayarka magalada berbera iney ka mid yihin qodobad hoos ku qoran.

• In uu culeys badani ka yimi dacwada ay ku soo oogeen xisbiga Ucid.

• In habayaratee siyasada ka araden yahay Mayor abdishakur Cidin Madama ay tahey marki uu horeyse xil nocaan uu qabto qaranka Somaliland

• In marki hore ee uu sheegay inuu kulmiye ku biiray aanuu daacad ka aheyn balse culeys dhanka xukumada ka yimid ay ku kaliftay.

• In kulmiye laftigisu uu malegayo sidi uu Mayarka Cabdishakur cidin ugu sameynlahaa argoosi siyasadeysan isla markana uu malegeyo inuu ka tuuro mayarka iyo xubinimada xildhibanimaba ileen kulmiye oo ah xisbiga xakim isla markan ilalinaya shurucda dalka lana socda xeer 14.
Oo shegaya in uu xildhibaanku anu ka bixikarin xisbigisa ila mudo xiledkisa ay ka hadhsan tahey lix bilood.isla markana la ansixiyey 2011.

Intaas hadeynu ku dhaafno hadalada ka soo yeedhaya Mayarka waxey ahayeen kuwo todobaadki aynu soo dhaafnay la isla dhexmarayey magaalooyinka waa weyn ee dalka,waxayna arinta maayarku u eegtahay inuu labada dhanba seegay oo uu (Ucidna seegay Kulmiyanaseegay)
isla markana cidla taagan yahey .

Abdikarim Abdilahi Ismail(Rigax)
Email:rigaax44@hotmail.com
Tell:0634416962