Maayirka Magaalada Gabiley oo Noqday Maayirkii Abid soo Mara Ee Wakhtiga Intaa Leeg Horumar Ku Talaabsada. By C/raxmaan (Sweden)

Iyadoo Ay Kooban Tahay Wakhtiga Yar ee ay fadhiyeen Golayaasha deegaanku, ayaa haddana gobol kasta iyo degmo kastaaba dhinaceeda dadaal waxqabad ka waday, golaha deegaanka magaalada gabiley oo iyagu u badan dhalinyar firfircoon oo uu hogaaminayo maayirka magaalada gabiley shacayb maxamed muuse ayaa ku talaabsaday waxqabado horumarineed oo aan la hilmaami karin, waxay ahayd saddex cisho kadib markii uu xilka la wareegay maayirka magaalada gabiley shacayb maxamed muuse oo uu kala wareegay maayirkii hore

Axmed samir ee uu olole nadaafadeed ka bilaabay gudaha magaalada gabiley iyo hareeraheeda, Taas oo qaadatay in lagu nadiifiyo magaalada gabiley muddo saddex cisho ah waxaana laga qaaday goobo tiro badan oo qashin aad u tiro badan oo lagu daabulay. waxaana maalin kasta oo khamiis laga fuliyaa gudaha magaalada gabiley olole lagu ilaalinaya bilicda magaalada oo nadaafadeeda, laga soo bilaabo hadaba ilaa wakhtigaasi waxay golaha deegaanka ee magaalada gabiley heegan ugu jireen sidii ay bulshada soo dooratay abaal gud uga dhigi lahaayeen waxqabado dhinaca bulshada ah,

si kastaba ha ahaatee waxaa maalmihii u danbeeyey ka socoday gudaha magaalada gabiley qorsheyaal lagu hagaajinayo dhinaca bilicda magaalada, iyagoo hadaba fulinaya go´aamo hore ay u soo saartay wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada somaliland oo nuxurkoodu ahaa sidii loo horumarin lahaa bilicda caasimada iyo gobolada iyo degmooyinka ayaa golaha deegaanka ee magaalada gabiley noqdeen kuwii ku dhaqaaqay waxqabadadaasi, waxaana ugu horayn iyaga oo la tashanaya bulshada iyo dadka waxgaradka ah ee gobolka gabiley, ay ku dhaqaaqeen in ay baneeyaan wadooyin ay bulshada reer gabiley aad ugu heelanaayeen kuna diirsadeen soona dhaweeyeen, halka horaantii bishana ay dhammaystireeen wadada wayen ee ka timaada suuqa hoose ee magaalada gabiley iskuna xidhan wadada wayen ee dhexmarta gudaha magaalada suuqa sare, sidoo kale waxaa ay ka rareen dadyow ka dhistay hareeraha wadooyinka magaalada gabiley cariishado iyo buulal aan iyagu ku munaasib ahayn bilicda magaalada gabiley, kuwaas oo loo qabtay wakhti ay bulshadaasi kagaga guuraan, bulshada inteedii badnayda ay ka guureen, waxa kale oo uu maayirka magaalada gabiley Shacayb Maxamed Muuse oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo badhasaabka gobolku dhagax dhigeen wadooyin cusub oo laga dhisi doono magaalada gabiley iyo degmooyinka hoos yimaada sida degmada togwajaale. halka ay maamulka magaalada togwajaalena xadhiga uga jareen wadooyin cusub,

Haddaba iyada oo ay jiraan dadaaladaasi faraha badan ee ay samaynayaan maayirka magaalada gabiley iyo golahiisa deegaanku ay dad ka xun horumarka gobolku ku talaabsaday isu dayaan in ay dacaayado raqiisa ka akhriyaan gidaarada kuwaas oo lidi ku ah dhalinta aqoon yahanka ah ee hanatay gobolkooda, waxaana wax lagu farxo ah in ay abid magaalada gabiley hesho maayir wakhtiga intaa leeg joogay oo ku talaabsada waxqabada intaasi leeg, waxaana aan la dafiri karin dhismayaaasha kala duwan sida iskuulada magaalada iyo degmooyinka hoos yimaada loo dhisay iyo biriijka isku xidha magaalada gabiley iskuulka qalax oo ardayda wax ka dhigata dugsigaasi caqabad weyn ku ahaa,
markaa aniga oo ka mid ah muwaadiniinta aqoonta u leh gobolka Gabiley Taariikh ahaana ka warhaya ma odhan karo mana hilmaami karo waxqabadadaasi ay ku talaabsadeen maamulka gobolku,

Qalinkii:
C/raxmaan (Sweden)