Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Bulshada Reer Somaliland Hambalyo U Diray Munaasibada Ciida, Uguna Baaqay Midnimo Iyo Wax Wada Qabsi

(SM-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa bulsha weynta Somaliland wuxuu ku hanbalyeeyay farxada Munaasibada Ciida, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ugu baaqay ummadda guud ahaan inay u midoobaan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen. Sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda Somaliland, war-saxafadeedkaas oo u dhignaa isagoo dhamaystiran sidan.

Hambalyada Madaxweynaha Ciidal Adxa 2013

Bismilaahi Raxmaan Raxiim,

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silanyo) waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culimaau-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaan munaasibada Ciidal Adxa leeyahayCiid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caamin wa antum bikhayr.

 

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.

 

Aamiin              Aamiin              Aamiin

Hambalyadaas Ciida ka dib, waxaan Bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa dedaalka muddada dheer ay soo wadeen, iyaga oo shacbi iyo dawladba is-kaashanaya.

Dedaalkaasi waaka aynu maanta ku soo gaadhnay halka qarankeenu uu taagan yahay, waxaana xaqiiq ah wax kasta oo aan soo qabsannay waxa laf-dhabar u ahaa nabadgelyada aynu ku naaloonayno, taas oo ku timidTabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane iskaashiga Shacbiga iyo Dawladda.

Wax kasta oo aynu soo qabsanay waxa ka baaxad-weyn hawlaha qaran ahaan inoo yaalla, taas oo aynu kaga midho-dhalin karno in aynu dedaalkeena sii xoojinno, si aynu u gaadhno hiigsigeenna iyo halka aynu qaran ahaan u socono oo ay ugu mihiimsan tahay in qarankani helo aqoonsi buuxa.

Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyad iyo deganaanshaha Gobolka.

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

 

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Â