MADAXWEYNE SIILAANYO OO MAGACAABAY GUDDIDA QAADHAAN URURINTA DHISMAHA WADDADA CEERIGAAB

SIILAANYO

Hargeysa (SM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta intii aanu dalka ka Bixin sii magacaabay Guddi qaadhaan Ururinta dhismaha Waddada Ceerigaab.

Sidaasi ayaa waxa lagu sheegay War saxaafadeed uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)oo u dhignaa sidan :-

 

“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mundane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Guddi qaadhaan Ururin ah u magacaabay dhismaha Waddada Ceerigaab.

 

Madaxweynuhu :-

Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada (Gudoomiyaha Guddida )

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Hargeysa

Ku: Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Hargeysa

Ku: Duqa Degmada Ceerigaabo Ceerigaabo

Ku: Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Hargeysa

Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) Hargeysa

Ku: Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan Hargeysa

Ku: Xildhibaan Cali Oobsiiye Diiriye (Cali Gabiley) Hargeysa

Ku: Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) Hargeysa

Ku: Mudane, Maxamuud Aadan Dheri Bucro

Ku: Mudane, Jaamac Saalax Maxamed Hargeysa

Ku: Marwo, Ilhaan Maxamed Jaamac Hargeysa

Ku: Marwo, Sacdiya Muuse Axmed Hargeysa

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan-tahay horumarinta Dalka, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Haddaba, waxa socda ollolaha wadada Ceerigaabo oo aan dhawaan dhagax-dhigay, wadadaas oo Dalka u leh muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xidhka Dalka.

Sidaas darteed Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaadhaan Ururinta iyo Abaabulka Dhismaha Wadada Ceerigaabo, waxaana Guddoomiye idiin noqon doonna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.

Waxaan idiin ku dardaarayaa dedaal iyo isku-duubni, waxaanan idiin rajaynayaa guul. ALLAA MAHAD LEH”

 

Salaanmedia/HargeysaOffice