Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inaan Wax Lacag Ah Laga Lunsan Dib U Dhiskii Madaarka Hargeysa

Wednesday, October 9th, 2013 | Posted by 

DAAWO VIDEO..Kulankii xalay ee Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo asaaska Urur cusub oo samafal ah..London 23.5.13

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inaan Wax Lacag Ah Laga Lunsan Dib U Dhiskii Madaarka Hargeysa

 

Oct 9, 2013 Hargeysa(SM) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in lacagtii loogu tallo galay dib-udhiska iyo casriyaynta madaarka Hargaysa ay sidii loo qorsheeyay u gashay madaarka, isla markaana aanay jirin wax lacag ah oo la musuq-maasuqay.

 

Sidaasina waxa daboolka ka qaaday madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha madaxweynaha C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo waraysi dheer oo uu Sabtidii todobaadkan siiyay Wargeyska DAWAN, waxaanu qeybtii labaad ee waraysigan kaga hadlay dib u dhiskii lagu sameeyay Madaarka Hargeysa. , waxaanu sheegay in khubaradii qandaraaska lagu siiyay in ay soo qiimeeyaan kharashka ku baxaya casriyaynta madaarka Hargaysa ay ku qadareen cadadka lacagta ku baxaysa in uu madaar caalami ah ku noqon karo 27-milyan oo dollar.

Waxaanu tilmaamay madaxwayne ku xigeenku in lacagtii ay dawladda Kuwait ay Somaliland ku caawisay ay ahayd 10-milyan oo qudha, isla markaana markii 10-kaasi milyan loo k ala qaybiyay madaaradda Hargaysa iyo ka Berbera iyo khubarada hay’addii qiimaynta samaynaysay ay madaarka Hargaysa ku soo hagaagtay lacag dhan afar milyan iyo badh, iyada oo lacagtaasi intii ay ka gaadhay lagu sameeyay madaarka Hargaysa.

Waraysigaasi aanau madaxwayne ku xigeenka Somaliland la yeelanay oo aanu qaybtiisii hore idiin soo gudbinay cadadkii Isniintii , ayaa qaybtan labaadna waxa uu madaxwayne ku xigeenku kaga hadlayaa waaxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, laba wiil oo ku xidhan xabisga dhexe ee Hargaysa oo ay warbaahinta caalamku ku dhaliishay Somaliland iyo sida ay Somaliland u aragto weerarkii bishii hore lagu qaaday xaruntii ganacsiga Westegate ee magaaladda Nairobi.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Muddane madaxwayne ku xigeen, waxaa jirta oo ay muddooyinkan dambena warbaahinta caalamku aad uga hadashay, laba wiil oo dhalinyarro ah oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Harageysa, kuwaasi oo Somaliland u dhashay, laakiin haysta dhalshada Canada, isla markaana lagu helay dambi ah in ay gabdho faraxumeeyeen, dhaliilo badan ayaana xukuumadiina loogu soo jeediyay sida in aanay labadaasi wiil qaan-gaadh ahayn, arrintaasi maxay xukuumaddu kala socotaa?

Jawaab: labadaasi wiil horta dhalashadooda asalkoodu waa reer Somaliland, wixii lagu eedeynayaa waa kiis wadareed kufsi ah oo ay galeen iyaga iyo koox kale oo la socotay, haddii dhalinyaradaasi ay hasytaan dhalshada wadan kale kama reebayso dambiga ay galeen dhalshadda labaad ee ay dal kale ka haystaan. Marka ay halkan joogaan sharciga dalka u yaala ayaa qabanaya, waxaanan qabaa laguma xad-gudbin ee sharcigii dalka u yaalay ee saaxiibadooda kale ee ay dambiga la galeen ay qabaan ayuun bay iyaguna la qabaan, markaa xad-gudub gaar ah oo inadamaasi lagu sameeyay ma jiro.

Xagga da’adana sida aan maqlay waa rag 18-jirka ka weyn in ay yihiin ayaa la ii sheegay, waxaase loo badinayaa arrintooda oo ay waalidkoodu ku doodayaan carruurtayaddu waa canadian oo wadankan uma ay dhalan, laakiin taasi dambiga ay galeen kama reebayso oo waa nin reer Somaliland ah, dalkan Somaliland ayaanu dambiga ka galay.

Xagga kufsiga, caalamku naguma eedayn karo, waayo adduunkii wuxuu ka dagaalamayaa kufsiga iyo falalka la mid ka ah, waxaanu ka mid yahay waxyaabaha aadka looga hadlo ee xataa lagaga hadlay shirkii u dambeeyay ee wadamadda G8-ka, ama wadammada loo yaqaano sideeda wadan ee adduunka ugu quwada badan uguna dhaqaalaha badan, waxaanay gaadheen wadamadaasi heer ah in ay shirarkooda kaga hadlaan kufsiga oo caalamka ku soo badanaya, markaa annaga taayaduna waxay daaran tahay in aanu adkayno ciqaabta kiisaska kufsiga ah, si aanay arrintaasi xad-gudubka ah ee loo gaysanayo haweenka si loo yareeyo, kiiskaasina loo adkeeyo, markaa taasina cidna looga habran mayo.

Su’aal: sida aan la wada socono dhawaan waxaa ka dhacay dalka Kenya caasimadiisa Nairobi weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westegate, dhacdadaasi oo mandaqada iyo dalalka kale ee caalamkaba saamaysay, xukuumaddiinuna way ka tacsiyadaysay dawladda Kenya, waxaana la sheegay in ay jiraan qorsheyaal kale oo ay nimankii hawshaa fuliyay ay doonayaan in ay ka fuliyaan geeska, xukuumadiinu sidee ayay uga diyaar garawday arrintaasi?

Jawaab: Runtii aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dhacdadaasi haddii aanu nahay xukuumadda Somaliland xaruntaasi ganacsi ee aadka u qiimaha badnayd ee Weste Gate, oo ku taallay caasimadda Kiiniya ee Nayroobi, wax aad u fool xunna wuu ahaa weerarkaasi, dawladda Somaliland-na hore ayay uga tacsiyadaysay dawlada Kiiniya.

Arrintaasina waa argagixiso caalami ah oo jirta, cid walba halkeeda ayay ugu diyaar tahay, inaguna (Somaliland) waxaan ka mid nahay dawladahaasi dagaalka kula jira argagixisadda, mar walbana heegan ayaanu u nahay, waxaan diyaar ka nahay si aanay argagixisadaasi dhibaato inoogu gaysan.

Heegan ayaan u nahay runtii, habeen iyo dharaarna lagama seexdo. Ciidamadda amniga, hay’adaha sirdoonka iyo inta ku shuqulka leh ammaankuba aad ayaa looga wada shaqeeyaa, diyaarna waxaan u nahay in innaga oo kaashanayna shacabkeenna oo aad u wanaagsan, aadna u feejigan oo mar walba la shaqeeya hay’adaha amniga, oo cidii ay garan waayaan ee innagu dhex-dhuumanaysa ay soo sheegaan, marka laga soo bilaabo 2008, intii ka dambaysay dadkeenu aad ayay u soo jeedaan, shacabkana waan ku hambalyaynayaa arrintaasi, iyo sida ay u difaacayaan dalkooda, ee ay ula shaqaynayaan hay’adaha amniga. Taasina waxaanu ka leeyahay istaraatijiyad adag oo illaa dawladaha hoose magaalooyinka caasimadaha ah oo guryaha loo qaybiyay sekado, oo guddiyo leh, oo xataa la ogaado cida cusub ee guriga soo gashay iyo cida baxaysaba, taasina waxa ay keentay in wixii ka dambeeyay falkii 2008 aanay wax kale dhicin.

Su’aal: Waxa jira mashaariic badan oo dalka laga hirgeliyay oo ay ka mid yihiin dib u dhisku madaarka Hargeysa, kaasi oo dhaliilo fara badan ayaa xukuumadda loogu soo jeediyay, arrimahaasi sidee ayaad u aragtaan xukuumad ahaan?

Jawaab: Dhaliishu waxa ay ku qurux badan tahay in ay ku fadhido xaqiiqadda, haddii aan ku horeeyo madaarka, runtii lacagtii deeqda ahayd ee aynu ka helnay dawladda Kuwait, laba qaybood ayaa loo qaybiyay, madaarka Berbera iyo madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ayaa loo qaybiyay hawshaasina waxa la mariyay hab qandaraas bixin ah, shirkaddo ajaanib iyo muwaadiniin ah ayaana u tartamay, cidii tartanka ku guulaysatay ayaana heshay.

Madaarka Hargeysa lacagtii loogu tallo-galay way gashay, taasi oo ahayd afar milyan iyo badh,;lacagtaasina kama ay dhigi karaynin madaar caalami ah, intii ay ku filaanaysay ayuun baa la geliyay, haddii aan ku noqdo salka hore ee bilawga arrintaasi, 10-ka milyan ee ay ina siisay Kuwait, hal milyan waxa la siiyay hay’ad caalami ah oo la talin ah, oo samaysay daraasada iyo in ay daba galaan cidii qandaraaska la siiyay.

 

Hay’adaasi markii ay qiimaysay, markii aanu annagu xukunka wax daraasad qoran ah oo aanu ugu nimid oo

taallay madaarka Hargeysa may jirin shirkadaa la talinta ah markii la siiyay qandaraaska darasad weyn ayay sameeyeen, waxaanay daraasadaasi ku qeexeen in madaarka Hargeysa uu ku noqonayo mid caalami ah 27 milyan oo dollar, markaa waxa ay noqotay in wixii aynu haysanay iyo wixii ay qoreen kolba inta lacagta aynu haysaa ay qaban karayso in aan ku bilawno.

 

 

Afar milyan iyo badh-kii la innoo qoondeeyay waxay noqotay in lacagtaasi gaadhay qandaraaskii, siligii lagu wareejinayay iyo 2.5 km –kii dhabada diyaaraha ee hore innoogu jiray oo la hagaajiyo. Markaa dadka waxaa iskaga khaldan oo ay u qaateen in madaarkii la wada dhamaystirayay, laakiin awooda dhaqaale ee aynu haysanay ma ay dhamaystiraynin waa taasi inta aan sheegay ee 27-ka milyan lagu qiyaasay.

Markaa waxa ay noqotay in la yidhaahdo waxa aynu hayno inteenii hore ee 2.5 km ahayd ha laga dhigo garoon caalami ah oo heerkiisa kor loo qaado, waanay jirtaa in hawshaasi fushay oo 2.5 km waxa maanta laga dhigay heerkii caalamiga ahaa, dayrkiina dib ha u dhacee hadda ayuu socdaa oo la dhamaystirayaa markaa haddii ay maanta Kuwait 5 milyan oo kale ina siiso, weli baahida ah in uu ku dhamaystirmo Madaarku ee uu ku noqonayo mid caalami ah, wax uun baa ka dhinaanaya, waxaanay noqonaysaa intii kale dhamaystirto. Laydhkiina ay ku darto, haddana wax kale oo badan ayaa hadhaya oo uu madaarku u baahan yahay, annagu (xukuumadda) waxaanu leenahay mucaaridka murtidii ahayd “doob tuhun baa dilay”. marka dibada la joogo xukunka wax walba dadka wuu la fudud yahay, oo si dhib yar ayaa la iskaga odhanayaa milyanno ayaa la cunay, laakiin lacagtaasi iyada oo hab iyo nidaam sax ah ku baxday ayaa madaarka la geliyay,shaqadiisii way dhammaatay intii lacagta aanu u haynay ayaa la hirgeliyay, imikana waanu u dedaalaynaa inta kale sidii loo dhamaystiri lahaa.

La soco qeybta sadexaad ee Waraysigan oo aad u xiiso badan.

 

XIGASHO: DAWAN




Leave a Reply