Mareeykanka oo gacanta ku dhigay masuul Al Qaacida ka tirsan oo Qori Daba-jeex ah ku dagaalami jiray(Daawo Muuqaal )

Ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee Mareeykanka ayaa weerar qorsheeysan waxa ay ku soo qabteen mid ka mid ah hogaamiyaasha ururka Al Qaacida ugu sareeya kaas oo ku dagaalami jiray Qoriga Daba-jeexa.

Hogaamiyahaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Latif Mehsud waana ku xeenka koowaad ee hogaamiyaha ugu sareeya Daalibaanka ka dagaalama dalka Pakistaan kaas oo lagu magacaabo Hakimullah Mehsud. Ninkaan oo ku dagaalami jiray Qoriga Daba-jeexa loo yaqaan waxaa laga soo qabtay gudaha dalka Afghanistan .

Halkaan ka Daawo Mareeykanka oo gacanta ku soo dhigay hogaamiye Al Qaacida ka tirsan oo Qoriga Daba-Jeex ku dagaalami jiray

 

 

 

Latif Mehsud oo iminka gacanta lagu soo dhigay waxaa uu ka mid yahay ururka lagu magacaabo Taalibaanka TTP oo ka dagaalama buuraha u dhaxeeya dalalka Pakistan iyo Afghanistaan waana hogaamiye in ka badan 10 sanadood la raadinayay oo waliba Qaraxyo badan horay u sheegtay.

Inta badan Mareeykanka ayaa lacag xoogan u adeegsada raga muhiimka ah ee Al Qaacida ka tirsan kuwaas oo saaxibadood lacag loo isticmaalo si ay isku kashifaan waxaana masuulkaan hada la soo qabtay xili hore madaxiisa la dul dhigay 5 Milyan oo Dollar.

Salaanmedia/Mogdisho