MAS UUL SOMALILANDER AH OO XABAALO INGIRIISKU KU YAALLA MAAL GASHADEY ?

CALI

Masuul ka mid ah kuwa xililka ka haya xkuumadda Somaliland  , ayaa waxuu ku dardaarmey , in marka uu dhinto lagu aaso xabaalaha dalka ingiriiska , xataa haddii uu ku dhinto somaliland , waa in maydkiisa loo dhoofiyaa dalka ingiriiska .
Warkanu waa waa mid aad u layaab leh , mid hore loo maqley maaha , mid hore loo arkeyna maaha .
Barigii hore waxa dhici jirtey , ama iminkaba dhacda , haddii qof dhinto in dalkiisii hooyo maydkiisa loo dhoofin jirey , oo lagu aasi jirey , haddii la kari karo , weliba waxa laga yaabaa in xukuumaddu kharashka ka bixin jirtey ku baxa , hadduu mas uul ahaa , ama qof bulshada dhexdeeda qiimo ku leh , oo ay intaan denbi dhaaf uga dhawaan jirtey , wixii ay ku sameysey marxuumka dhintay .
Laakiin iminka waxa bilaa bantey in qof waddankiisii iyo ciidiisii DAAHIRKA aheyd laga soo dhoofiyo maydkiisa oo xabaalaha ingiriiska laga doorto .
WAAYO ? marxuumku wuxuu MAAL GASHADEY dhul banaan oo xabaalo uu ka dhigey oo uu yidhi somalida ha laga IIBIYO oo ha lagu AASO .
wuxu kale oo uu ku dardaarmey mas uulkaasi , in tacsidiisa lagu qabto huteel wayn oo caana oo ku yaalla magaalada birmingham , halkaana axankiisa lagu cuno .
Arintanu waa mid aad u fajiciso badan ee maxaa kelifey ?
Waxa la yidhi , mas uulkani wuxuu xukuumadda somaliland ka dhacey lacag aad u tiro badan oo malaayiin dollar ah , waax uu ku qabtona wuu garan waayey , sidaa awgeed wuxuu door bidey inuu dalka uun kala cararo , oo bank ingiriisku leeyahey ku shubo .
Waxaynu wada ogsoonahey in somalidii dalalka reergalbeedka ku nooleyd oo dhami ay dalka ingiriiska isugu yimaadeen , kuwa dalkii joogaana ay u soo socdaan halkan , xataa dhalinyarada badaha isku tuurayaa , ujeedadooda koowaad waxay tahey inay dealka ingiriiska gaadhaan  , waxaynu kaloo wada ognahey , in mas uuliyiinta (mdxwynha + wasiirada  + iyo qaarkale oo badan ) ay dalka ingiriiska (reer galbeedka ) ay degen yihiin , oo dalka somaliland uun joogaan intey jagada hayaan oo ay dalka u soo boob (xoogsi) tageen .
Lacagtii uu mas uulkaasu soo dhacey muu calfan ee waxa lasheegayaa in isagii lagu aasay xabaalihii uu maal gashadey , xabaalahaana waxa loo bixiyey xabaalaha TUUGTA .
Halkaana waxa ka bilaabantey shirkado xabaalaha ka ganacsata , oo ay maal gashadaan , mas uuliyiinta wax ma garatada ah ee dalalkooda soo dhaca , cashuurta yar ee shacabka masaakiinta ah kala urursado , halkii ay aheyd inay dalka iyo dadka wax ugu qabtaan .
Bal maal gashigaa eeg , IFKANACEE IYO NACDAL , AAKHIRONA CADAAB IYO CAR CARAAF ayaa u yaal .
Dadka noocaas oo kale ahi labadiiba way seegeen , waxayna urursadeen maal xaaraan .
Qabrigiisiina waxuu la jaar noqdey gaalo iyo tuug .
ILLAAHAYAW KHAATUMADA KHAYR NOOGA DHIG .
AAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMMIIIIIIIIIIIIIINNNNNNNNN 
CALI MAXAMED BIIXI                         caliwwelli@hotmail.co.uk