Masuuliyiin ka socda Dowlada Qatar oo Muqdisho ku soo fool leh, si Dowlada & Xasan Daahir leeskugu soo dhaweeyo

aways

Wefdi ballaadhan oo ka socda Dowladda Qatar, ayaa waxay maalmaha soo socda ay ku soo fool lee yihiin Magaalada Muqdisho, si ay isugu soo dhaweeyaan Dowladda iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Wefdigaan, ayaa waxay siyaabooyin kala gedisan ay ula kulmi doonaan Madaxda Dowladda iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys. Xilli labada dhinac ay laba daraf kala jooggaan.

Wefdiga ay Dowladda Qatar u soo direyso Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo wakiishay inay meesha ka saaraan, kala aragti duwanaanshaha ee u dhaxeeya Wadaadka mayalka adag ee isaga soo baxsaday Ururka Al Shabaab iyo Dowladda.

Xubno ka tirsan Ergadii Sheekh Xasan Daahir Aweys ka soo amba bixisay Magaalada Muqdisho, oo diiday in magacyadoodu la soo xigto, ayaa waxay rajo wanaagsan ay ka muujinayaan, wefdiga ka imaanaaya Magaalada Doha.

Xubnaha ka heybta ah Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa waxay kaloo ay Dowladda Qatar ku ammaaneen, inay horeyba faraha ugula jirtay dadaalada, ay isugu soo dhaweyneyso Dowladda iyo Sheekh Xasan Daahir.

Qatar waxay horey wada hadalo ula furtay Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee dalkeeda ku sugan, kuwaa oo ay kala hadashay, sidii ay u taageeri lahaayeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya, oo ay aas aaskeedu iyadu lee dahay.

Dr. Cumar Imaam, Sheekh Xasan Mahdi, Sheekh Ismaaciil Cadow iyo rag kaloo ka tirsan Saraakiisha Ururkii burburay ee Xisbul Islaam, ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay Dowladda Qatar, labada dhinac isugu keeneyso.

Salaanmedia/Mogdisho