Maxkamada Sare ee Malaysia oo xukmisay inaanay Kiristanka adeegsan karin Kalmada Allah “SAWIRRO”

Maxkamada Sare ee Wadanka Malaysia, ayaa waxay maanta xukmisay inaanay dadka Kiristanka ehi adeegsan karin kalmada Allah.

Maxkamada, ayaa waxay taageertay in kalmada Allah ay adeegsan karayaan oo kaliya dadka Muslimiinta ah, isla-markaana aan loo baahneyn inay adeegsadaan dadka aan Muslimku ahayn.

Kutubta ay raacdaan dadka Kiristanka ah ee u dhashay dalkaasi Malaysia, ayaa waxaa kutubtoodu ku qoran kalmada Allah, oo marka lagu turjumo luqada Malayga, u qormeysa Allah.

Arrintaan oo in muddo ahba ka soo jiitameysay Malaysia, ayaa waxaa maanta soo afjartay Maxkamada Sare ee dalkaasi, isla-markaana waxaa soo dhaweysay Muslimiinta dalkaasi.


Kiristanka laga tirada badan yahay ee dalka Malaysia, ayaa waxay qaadaceen go’aanka Maxkamada, waxayna ku sheegeen mid aynaan ku qanacsaneyn.

Boqolaal kamid ah Muslimiinta Malaysia, ayaa subaxnimadii Isniinta soo buuxiyay aafafka hore ee Maxkamada, iyagoo halkaasi ku duceystay, kadib go’aanka adag ee ay Maxkamadu qaadacay.