Mid kamid ah Ragii Weeraray Westgate Mall oo la ogaaday in uu taageero Kooxda Chelsea(Daawo Sawir Cadeenaya)

Xasan Axmed Dhuxuloow, waa wiil Soomali ah oo haysta dhalashada dalka Norway kaas oo la rumaysanyahay inuu ka qayb qaatay howlgalkii lagu weerarey xarunta ganacsi ee ku taal magaalada Nairobi bishii lasoo dhaafay, weerarkaas oo socdey muddo afar maalmood ah, islamarkaasna lagu dilay dad kor u dhaafaya 67 qofood.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa la baahiyay Sawiro uu xidhan yahay garanka ay   ku ciyaarto Kooxda Chelsea iyadoona qaar kamid ah asxaabta ay aadka isugu dhawaayeen laga soo xigtay in uu taageero buuxdo u ahaa Kooxda Chelsea ee ka ciyaarta Horyaalka Dalka Ingiriiska.

Xasan wuxuu dalka Norway qaxootinimo ku yimid asagoo lasocdey qoyskiisa sanadkii 1999kii, markaas oo uu ahaa sagaal jir, hase ahaate waxa uu soomaaliya ku laabtay 2009kii markaas oo la rumaysanyahay inuu qaatay fikirka xagjirka ah ee dhinaca diinta.

Ninkaan dhalin yarada ah oo dad’diisu ahayd 23 jir ayaa waxaa uu ku noolaa magaalo ku taal koonfurta dalka Norway oo lagu magacabo Larvik halkaas ooga baxay dugsiga sare

.Salaanmedia/Mogdisho