Mujaahid Muuse Biixi Cabdi: Maddaxwayne Markalena Dadkaaga iyo Dalkaaga u tudh

 

 Ahmed_Abdi_eeee0086

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi: Maddaxwayne Markalena Dadkaaga iyo Dalkaaga u tudh

 

Maqaalkan wax uu ku doodayaa inuu ka jawaabo ama uu rimiyo jawaabta dooda (inseminate the argument) ay suaasheedu tahay,  madaxwayne waxaad tahay halyeey dadkiisa iyo dalkiisba u horseeday xornimada Somaliland haysato. Waxaad kalood tahay geesi dalkiisa u horseeday mudaddii uu xilka hayay guul iyo  horumar aan cidina iftiinkiisa sacabadda ku qarin Karin. Markaasi, maanta miyaanay ahayn maalintii tilmaamta lahayid ee aad mudan lahyid –  magacii jiriyow ee aad dabkii aad shiday sida quri isku dhiibka aad ugu gudbin lahayid halyeeyggii guusha ku horseeday (Mujaahid Muuse Biixi Cabdi)? Su’ aasha jawaabtan, waxaan kaga jawaabi doonaa  waayo aragnimadaydda mudaddii 13 sano kor u dhaaftay ee aan ku midka ahaa maddaxda asxaabta qaranka iyo aqoontayda cilmiga bulshada ee aan bartay ee raad raaca, dabeecadaha iyo horumarka aadaamaha ee geesaha baddan (multi-pronged).

 

Dhinaca kalena, maqaalkani  waa mid samokatalis ah oo wax uu hiil u yahay  aragtida o dhanaysa in shacbiga Somaliland ay musuuliyadi ka saaran tahay tayaynta asxaabta siyaasada qaranka si aan midiba maalinta aynu isleenahay wuu qaangaadhay aanu inooga saqiirin. Burburkii ku yimid xisbigii UDUB waxaa lagu tilmaam inuu ahaa khasaarihii dhinaca siyaasada ee ugu cuslaa ee  abid  Somaliland la soo darsa. Maanta Xisbiga Kulmiye ayuu maqaalkani hiil u yahay oo uu ku doodayaa inay dhig bax ku tahay Somaliland hadii uu Kulmiye uu maro wadaddii UDUB maray. Wana markee? Waa haddii ay hogaamiyaha haldoorkooda iyo barqabka u ah ay umul doox ku noqdaan. Taasinay waxay dhaxalisiin doonta inuu xisbiga Kulmiye  inuu burburo siddii xisbiggii UDUB.

 

Baldib fikirka aan ugu soo dabaalo  dulucda maqaalkan ee budhigiisu yahay  shirka golaha dhex ee  xisbiga  Kulmiye uu balansan yahay bisha December, 2013. Shirkaasi waxaa  lagu soo dooran doonaa gudoomiyaha iyo Mushraxa maddaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye ee doorasha maddax-tinimdda Somaliland ee la filaayo inay dalka ka qabsoonto 2015. Asxaabta qaranka ee Somaliland waxay markasta arintani ku ahyid caqbada adag oon laga gudbi Karin. Waayo? aqoon daro, bisayl la’aan siyaasadeed,  nin jaclaysi  iyo argatiyo iska soo wada horeejeda,  murugsan  oo is khilaafsan oo fadhiidh ah (convoluting, competing and conflicting issues) ayaa horseeda in dantii qaranka iyo wadalahaanshihii lagu waayo.  Tusaale ahaan,  Xisbigii UDUB ee horseeday dawladnimdda iyo dimoqraaddiyada Somaliland lagu majeerto waa kii arintaasi oo kale ugu burburay,  nasiib daro.  Iyo isagoo Xisbiga UCID oon ka mid ahaa maddaxdiisa iyo aasasayaashiisi mudo kor u dhaaftay 11 sano uu dirqi ugu sigay inuu burburo – mahaddi ha ka gaadhe waxaa ilaahay u soo diray Jamaal Cali Xuseeen oo  mindi caaradeed (at knife edge) kaga badbaaddiyey inuu burburo. Hadaba halkaybee dhibtu inagag socotaa?

 

Jawaabta suaashaasi bal haynu ka raadino fikirka laga qabo dalalka hore- umaray (the developed world). Dalalkaasi baa lagu  xidhiidhiyaa inu horumarkoodu ku yimid qori isku dhiib-ka maddaxdooda oo ku yimaada ninba ninka uu ka haldoorsan yahay ee uu safka talada ugu soo horeeya in talada loogu wareejiyo. Dhinaca kalena ee  cakiska ahna – dalalka soo koraya (the developing countries) ayaa lala xidhiidhiyaa in talo xumo ay qarkood ka reebtay oo kooga haldoorka ah gawrac dhagta ugu jiidaan. Taasina ay dhaxlsiiso raadkii shalay ay mareen ay dib  bari ugu noqdaan. Maanta arintani waa mid maddaxwaynaheena, Axmed Maxamed Siilanyo si gaara ah u taabanaysa  oo taariikhdiisa ku dhigi doonta inuu ku dhamaysto inuu noqdo halyey lagu tiraabo  magaaca jir oo talada xisbiga Kulmiye iyo mushraxaha maddaxtinimda ee xisbiga Kulmiye uga  olaleeya xibiga dhexdiisa sidii tageero ugu helilahaa – haldoorka xisbiga iyo halyeeygii guusha u horseeday inuu noqdo madaxawaynaha Somaliland.  Taasi waxay dhaxalsiin doonta maddaxwaynaha magac wayn oo shacbiga Somaliland waligood ku majiirtaan iyo xisbiga Kulmiye oo ka badbaada wadaddii burburka ee UDUB maray.

 

Waa maxay baa la oran karaa sababta aan u leeyahay maddaxwaynuhu ha taageero, baarqabka xisbiga ee wakhtiga – Mujaahid Muuse Biixi Cabdi? Waa kow,  Maddaxwaynuhu waa inuu ku qanciyaa xubnaha golaha dhexe xisbiga Kulmiye xaqiiqada ah in Muuse Biixi Cabdi yahay haldoorka iyo baarqabka kaliya ee hada ku jira xisbiga Kulmiye. Waa labba,  waa inuu  ku qanciyo golahiisa wasaaradda in aanay wasiiro ahaadeen hadaanu mujaahidku xisbiga Kulmiye ku jirin; iyo saddex in dalalka asaaxbta dimoqraadiyadda xisbiyada baddan leh aanay halyeega u maddan sida Mujaahidka oo kale taariikhda casiraga laga u arga inay ka talaabsadaan . Talabadaa geesinimada leh ayaa looga fadhiya inuu madaxwaynhu u guntado oo nadir ku ah Afrika. Waana ta mustaqbalka xisbiga Kulmiye ku xidhan tahay islamarkaan soo gunaanadaysa halgankii dheera ee maddaxwaynaha biyo dhiicisa bari lagu xukumidoono ama lagu xusuusan doono oo fac mustaqbalku ku xusi doonan.

 

 

Mudaddii maddaxwaynuhu siyaasada dalka hormoodka ka ahaa ee  maddaxtinimo iyo halgankaba waxaa  looga  inuu yahay haleey dalkiisa u tudha oo samokatalis ah.  Maqaalo badan oon qoray baan waddaniyada qaaliga ah ee maddawaynu leeyahay ku xusay oo (national  and international level) ay ka mid yihiin:

http://oodweynenews.com/2013/04/qurba-jooga-uk-oo-isla-ogsaday-maddaxwayne-waxaad-tahay-nelson-mandelihii-somaliland-muxuu-ku-mutaystay-taageerada-intaa-leg/

https://salaanmedia.com/?p=19149

Suaasha maqaalkan, mustawaha jawaabtiisu waxay tahay,  in maddaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo uu yahay nin aqoon yahan ah,  xilkas ah, leh wadaniyad qaliya, dalkiisa iyo dadkiisba jecel,  taasina  ay ka markhaati kacayso soo yaalka taariikhi nolaleedkiisa siyaasadeed, islamrkaasna si wal oo dooda siyaasada gogasha loogu kala durko in maddaxwaynuhu hayaankiisa siyaasadeed u guul ku so af-meer. Shacbiga Somaliland taarikhda ku xusi doonan haleyey qaliya oo waligii la xuso oo abaalka guda. Mantana talo khaldan la iman doonin oo  Xisbiga iyo musharax maddaxtinimda xisbiga Kulmiyena furihiisa u dhiibi doona halyeeygii guusha u horseeday, mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

 

Gunaanadkii maqaalkan biyo dhiciisu waxay tahay, maddaxwayne shacbigii Somaliland ee shalay aad u tudhay markii aad 80 cod oo mugdi badanni ku jiray aad uga hadhay doorashaddii madaxtinmida ee ugu horeeysay ee dalkeena ka qabsoontay inaad mar kale u tudho. Dadkaagii taa badalkeeda waa kuwii abaalkaagii ku soo celiyey ee kugu guday inay cod caqlabiyadda kugu xaqiijiyaan inaad noqoto maddax waynaha Somaliland. Doorashada soo socota maddaxwayne shacbigii ku soo doortay  waxay qabaan inay dantaada iyo danta qaranku ku jirto inaad Mujaahid Muuse Biixi Cabdi aad fursad aad siiso oo ku nasiiyo.  Waxaa kaloo si gaar isha kugu haya shacbiga caasumadda dalka ee Somaliland ee HARGEEYSA oo  raba inay arkaan geedigagii nolasha siyaasadda ay ku soo afmeeranto war ay ku farxaan oo ah kii ay kaga barteen iyo kay kugu yaqaanen. Maddaxwayne kaasi waa ka ah,  inaad maanta mar kale indha calaamka u soo jiido Somaliland, waa marka aad haldoorkooda, halgaamaagooddii iyo  halyeeygii guusha ku horseeday  aad talada xisbiga iyo musharaxnimada maddaxtinimda xisbiga Kulmiye aad ku tageerto, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

 

Fiiro-gaar ah.  Maqaalkani waa samokatalis ujeedaddiisu tahay inu kor u aqaado fikirka iyo garaadka siyaasiga ah  ee asxaabta qaranka si u kocbiyo aqoontooda ku wajahan duruufaha siyaasada ee kakan ee murgsan oo uu tilmaamayo tubta toobiyaha (roadmap) toosan ee lagag bixi karo.

 

Axmed Cabdi Ciise, London

Academic in Social Science

isseahmed@hotmail.com