Musharaxa madaxweyne Ee Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Booqasho Laba Casho Ah ku TAgay dalka Finnland.(Sawiro)

Waxaa booqasho laba maalmod qaadatay ku yimid caasimadan wadanka Finland ee Helsinki siyaasigga mud: Jamaal Cali Xuseen iyo fanaanadda caanka ah Zahra Axmed (Zahra Halgan), oo martiqaad ka helay xubnaha sar sare ee xisbigani new Ucid.

jamal

Waxaa soo dhaweeyay dhaman gudoomiyayaasha xisbiyada qaranka somaliland ee laamaha dalka finland iyo dhaman jaaliyada soomalilnad ee dalka finland .

ugu horeyn hadal mahadnaqa ayuu musharaxu ujeediyey dhamn dadkii soo dhaweeyay iyo xubnaha soo abaabulay xisbiga ucid.

waxaa kaloo uu saxaafada uga waramay inuu casuumad ka helay Xisbiga ucid laantiisa finland iyo jaaliyada soomaliland .

waxaa uu sheegay inuu kulamona la yeelan doono jaaliyad iyo dawlada finland.
Hadaba booqashadan oo qaadatay   laba maalmood yaa waftigga loo sii galbiyey xaagaa iyo Hotelka loo sii diyariyey Sokos HotelPresidentti oo ku yaalaa badhtamaha caasimadda Helsinki oo casho sharafeed uu kula yeelandoon xubno ka dirsan xisbiga new Ucid.

Waftiga oo lagu sii galbiyey baabuurta loo yaqaan Limousine ee loogu talagaladda wufuudda heerka sare.

 

Gudidda qabanqaabadda xaflada iyo soodhoweynta waftigga:

Gudoomiyaha garabka haweenka Samia Omar Hagi Muse ,Gudoomiyaha abaabulka new ucid Ismaciil Digaale,  Gudoomiyaha waqooyiga yurub ee new ucid Hodan Aden Abdi

Gudoomiyaha dalxiiska ee new ucid Nimco Cumar Awliyo, iyo waliba gabdha kale oo qaali ah oo la´aantood xafladani quruxbadnaateen oo kala ah:

Sucaad Aw Jamac, Ifraax Buraale

Leyla Maxamed Axmed

Deeqa Caydiid, Faadumo Xuseen.

Waxaa kaloo mahad gaara iska leh:

Gudoomiye ku xigeenka new ucid Xassan Cumar Hurre

Xildhibaan Faysal Yuusuf

Ibrahim Qasim

Siciid Aaden, iyo dhamaan jaaliyadda Somaliland oo qayb ka qaadatay soo dhoweynta musharaxa madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen.

Xafiiska wararka ee ucid finland

Helsinki/finland