Muuqaal Al-Shabaab soo saareen oo Cabsi badan ku beeray Muslimiin badan oo kunool Dalka Ingiriiska.

england

Dowlada Biriten ayaa u sameysay ilaalo gaar ah oo kuwa booliska wadankasi qaar kamid ah musliminta ugu magaca weyn e ku sugan wadanka Biriten kadib markii ay hanjaabado ka kulmeen xarakada Al-shabaab.
Musliminta ku nool wadanka Biriten ayaa iyaga waxa ay si kulul u canbaareyen arimaha jihaadka la xidhiidha ay Al-shabab ay sheegatay inay ka wado dalka Somalia waxana canbaarentasi ay ka danbeesay kadib dilkii askarigi lagu dilay deeganka Wool Wich ee konfur bari magalada London ee caasimada wadanka birten 5-bil ka hor.

Jariidada The guardian ee kaso baxda wadanka Biriten ayaa sheegtay in dhaq dhaqaqa AL-shabab oo soo saaray cajal video ah oo cinwaan ay uga soo dhigeen weerarkii Woolwich waxa uu yahay il il ku gud ay hajbaado ay u direen musliminta ku nool wadankasi biriten.

Dadka hajbadaha kala kulmay Al-shabab waxa kamid ah wariye lagu magacabo maxamed ansaar oo isaga Dhaleeceeyay arimaha xagjirnimada islaamka.

Ansaar oo 39-sano jir ah ayaa xaqiijiyay in booliska ay booqden gurigisa kadib markii ay ka baqeen nabad galyadiisa waxana hada ay u sameeyeen ilaalo gaar ah waxayna ay la soconayaan shasiyaadka qadka telefoonka kula soo xiriiraya.

Booliska wadanka BIriten ayaa iyaga waxa ay todobaadkii tagay ay bixiyeen digniino xoogan oo ay u diren musliminta wadankasi kunool kadib markii al-shabab ay soo sareen cajaladasi vido-ga ah.

Cajalka waxa kasoo muqday qof Biritish ah oo luqada Inglishka ku hadlaayay shegayna inuu weeraro wadankasi.

Dowlada biriten ma aysan xusin magacyada kale ee musliminta wadankasi dagta ee hanjabaada ka kulmay al-shabab ee ilaalada gaar ah loogu sameeyay guryahooda.

Salaanmedia/London