Muuqaalkii ugu danbeeyay oo laga soo qaaday dhacdadii Westgate: DAAWO VIDEO

Telefishinka CNN ayaa markii ugu horeysay muuqaal cusub oo ku saabsan dhacdadii Westgate ee adduunka saameysay soo bandhigay, kaasoo muujinaayo qaabka kooxihii weerarka geystay ay u soo galeen, qaabka ay ula wareegeen kontoroolka gudaha, sida ay ula dhaqmayeen Ragga iyo Haweenka Caruurta wata.

Muuqaalkaan ayaa ka arki kareysaa iyadoo Rasaasta ay kasoo furayaan bannaanka hoolka Westgate Mall ilaa ay gudaha kasoo galaan, waxaana arkeysaa sida ay u tooganayaan ragga qaar, halka laga arkayo qeyb ka mid ah muuqaalka Haweeeney Caruur wadato oo ay fasaxayaan, sidoo kale muuqaalkaan wuxuu muujinayaa in ragga dhacdadaasi afarta maalin socotay iney geysteen Afar nin kaliya.

Sidoo kale Muuqaalkaan waxaa aad ka arkeysaa in welwel aysan qabin Afarta nin ee weerarkan geysatay, iyagoo gudaha dhismaha ku dhex tukanayaan Salaada.

21-kii bishii hore ayey aheyd markii weerarkan uu dhacay, waxayna Dowladda Kenya ay si mala awaal ah u sheegtay in kooxihii weerarka geystay lix ka mid ah dishay, halka inta kale ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga, balse warkaasi wuxuu u muuqday mid dowladda ay ku qancineyso shacabkeeda, iyadoo mid ka mid ah raggaasi nolol iyo geeri midna aan lagu hayn. article-2464405-18CBC78700000578-372_634x478 (1)