Muuse Biixi iyo maxamed kaahin oo geel aan xeda ugu jirin gaawaha u cushay!

MAQAAL

Nin ayaa laga hayaa 114 ka Quraanka ayaan aqaan markaasaa mid kale ku yidhi oo yaa kaa akhrisan! waxaa ka dhigan muse biixi iyo maxamed kaahin oo geel aanay lahayn gaawaha u cushay! somalida ayaa tidhaah ifka ayaa laysku dumaalaa sida dhaqanka iyo caadad ah dumarku marka ay reer u dhaxaan ee ay mudo ka mid noqdaan reerkii soo guursaday waxay ka dhex xushaan nin kii dumaali lahaa waxaanay qiimeeyaan kartidiisa, wax qabadka uu u geysto marka odaygu ka maqan yahay ama ha safro ama meel aad uga durugsan haw shaqo tagee kadib waxaa u muuqda ama sii qorshay sataa gabadhu hadii odaygu reerka ka baxo oo tii alle qabsato nin kii kale ee ay nafteeda iyo caruur teeda ku aamini lahayd! 

sidaas ayaa looga maarmi waayay in qorshe iyo ku talogal uu yeesho wax waliba hadii is bedel yimaado ama qaran ha noqdo ama xisbi siyaasiya ama qoys, waxaana lasii sameeyaa sahan iyo ku talogal yaa meeshaa ku haboon oo kaalintaas buuxin kara hadii ay banaanaato?,

hadaba labadan mujaahid ismabay qiimayn waxaana calaamd su,aal la dul dhigay markii xisbigu ku guulaystay talada dalka ee iyaga oo ahaa aas aasayaashii kulmiye laga rebay golihii wasiirada ee madaxweyne siilanyo soo dhisay taas oo uu ku aamini waayay laba wasaaradood oo xukuumadiisa ka mida! intii ka dan bayseyna meel bay buul isaga ahaa yeen xitaa waxa la kala jaray xisbiga iyo xukuumada ilaa xafiisyada xisbigu noqdeen meel laga guuray!,

ma nimanka siilanyo uu maqasha iyo adhiga ku aamini waayay ayuu geel raacsanayaa markale? jawaabtu way cadahay, qorshe kale oo uu madaxweynuhu rabay inuu talada kaga fogeeyo ayaa isna jiray kaas oo ahaa heshiis kii uu muuse biixi la galay oo dhigaayay haduu ku guu laysto talada dalka inuu ku wareejin doono muus biixi talada xisbiga taasina waxay muuse iyo saaxiibkii maxamed kaahin ku noqotay caqabad siyaasadeed oo abuurtay inay sii kala fogaadaan iyaga iyo madaxweyne siilanyo sababtoo ah hadii uu albaabka xukuumadiisa uu u furo waxa uu ka baqay inay saamayn siyaasadeed ku yeeshaan oo uu hadhow ka qaadan kari waayo ushiisa siyaasdeed! somalida ayaa tidhaah ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa!

 waa maxay abaalka siyaasdeed ee ay labada mujaahid ku lahayeen madaxweyne siilanyo?

 hadaynu kala qaadno labada mujaahid mudane maxamed kaahin markii asxaabta siyaasada la furay waxa uu ka mid ahaa oo uu ahaa aas aasayaashii ururkii uu gudoomiyaha u ahaa saleebaan maxamuud aadan (saleeban gaal) ee la odhan jiray ASAD mudo yar kadib waxaa dalka ingiriiska ka yimid madaxweyne siilanyo oo hore u shaaciyay inuu ka nastay siyaasadii waxaanu furay xisbigan kulmiye maxamed kaain isaga oo u hiilinaya madaxweyne siilanyo ayuu ka soo baxay ururkii asad oo uu ku biiray kulmiye taageerayaashii uu watayna waxa uu kula biiray kulmiye,

muuse biixi isna waxa uu ahaa siyaasiyiintii sida fiican u soo dhaweeyey siilanyo markuu xisbiga kulmiye ku dhawaaqay labadooda oo hore ay uga dhaxaysay xulfi siyaasadeed iyo isgaashaan buuraysi markii SNM la ahaa ee halganka lagu jiray, waxaanay ahaayeen labada mujaahid niman abaal kuleh madaxweyne siilanyo nasiib daro waxaa meesha ka muuqata abaal la,aantii siilayo lagu xaman jiray inay iyagana ku dhacday manta,

maxaa la gudboon labada mujaahid?

waxaynu leenahay hadynu reer Somaliland nahay dalku yaanu inaga burburine afar faataxo qaata! kolay tacabkii aad siilanyo gashateen ka heli maysaan ee isutanaasul iyo dulqaad ayaynu halkan ku soo gaadhnay waanay idiin furan tahay madasha wada tashiga ee asxaabtiinii SNM sameeyeen horaanay idiinku diyaariyeen madashu jagooyinkii aad ka qaban lahaydeen ee intaanu albaab kaasi idinka xidhmin hore u gaadha waana marlabaad iyo NEW SNM iyo dagaal aan hubaysnayn oo siyaasadeed oo gudaha ka curta.


aadan axmed nuur