Nin Kuu Digay Kuma Dilin Cadaanow!!! By Mohamoud Mohamed Abdilaahi

Nin Kuu Digay Kuma Dilin Cadaanow!!! By Mohamoud Mohamed Abdilaahi

Waxa aan lee yahay shacabka reer somaliland meelkasta oo ay joogaan CIIDMUBAARAK, hadaan u soo noqdo ujeedada, aan Qalinka maanta u soo qaatay markii aan arkay ama dhagaystay hadala ka soo qubanaya Wasiiru Dawlaha maaliyada Cadaani oo ah nin wadanka ku cusub wax badana aan kala socon xaqiiqada soo jireenka ah ee dalku cagta saaray tan iyo intii uu talada dalku u gacan gashay VICIOUS Silaanyo oo gagi banaan kaga dhaqaaqay Balan qaad yadisii uu la galay Bulshadii reer Somaliland.

Mr. Cadaani waxa uu la mid yahay nin gudcur magan gooyo gudaya, Guulaha iyo Waxqabadkna u haysta in VICIOUS Silaanyo laga difaaco ceebaha dul hoganaya Xukuumadiisa Eexda iyo Qabyaalada ba’an.

Runtii Mr. Cadaani meesha uu ka soo jeedo may lahaan jirin dad noocan oo kale ah maanta ka horow, Anigu waxa aan ka aqaanay Cabdiraxmaan Black y oo alle haw naxariistee ahaan jiray Mujaahidiintii SNM, Nina aan uga habran jirin RUNTA Illahay hibo u siiyay Geesinimo, Aftahanimo, iyo Go’aan Qaadasho. Xitaa Waxba kumuu qadan sidii fool xumayd ee loo galay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee shacabka reer somaliland oo dhani ay qireen in Ninkaa meel laga dhacay, isagu waxa uu ka doorbiday in uu iska Guulwadeeyo ileen meel uma socdee oo waliba durbaanka u siigaraaco.
Somalida ayaa ku maah maahda “ Mas baa Abur dhala” in uu Mr. Cadaani yidhaahdo intuu Burco dhex istaago Anigaa wasiir idiinku jira xukuumada Silaanyo oo uu Waliba Guulwade noqdo waxa aan lee yahay Meel Aar ka Kacay Atoor Fadhfadhiisay!!!

Waxa aan leeyahay Ninkuu digay kuma dilin Cadaanow, Siilaanyo iyo GurumGaramtiisa Wali aqoon ayaa kuugu dhiman ee Sidi sidi daada mooyane dhul dhacaaga hubso, sidan aad u socotaa waa sidii Reer Sablaanle iyo Dajuma, laguma moodo nin Waalidkii ku soo tabceen oo dad hortii Waxbarasho dabadaha ah loo diray. Maanta in ay kugu shaqaystaan Xirsi iyo Waabeeyo oo aan Secondary ka Bixin. Manaan kaa filayn ee bal inta aad cidla isla yar tagto samee Swot Analysis.

Nacaska usha ku Agdhufo haduu iska garan Waayana Goga ugali !!!

By Mohamoud Mohamed Abdilaahi
Yorkshire
UK