Nin Walawba Runta ka hadal siday kuula Muuqato ” Kaambaynka Qaran ee Wadadda Ceerigaabo.” Maxaa wadooyinka looga Calmaday?

MAQAAL

Salaan kadib akhristayaal siday aniga ilii muuqato xaaladda dalkeenii Somaliland maraayo horta wadaniyadda bogeedii wuu laabmay. Ninkii odhanya goormana waxaan leeyahay ” Shalay” ” markuu Kulmiye dalka qabsaday” markaas nin waliba afkiisa wuu furanayaa oo iintiisa wuu odhanayaa, waayo sharci u diidayaa ma jiro haday halkaas marayso oo aan qaranimo jirin. Meela laga dhawrsan jiray iyo magac reer in  la soo qaadaana  way imanaysaa. sidaa daraadeed yaan fikirkayga laygu  qoonsan saxiibayaalow.

 Markaas aniga taydii waa tan maanta anoo ka jawaabaayo su’asha maqaal la soo dhigay saxafada sidana u qoraa ‘ Waddada Oodwewyne ee lagu maydhaama Ceerigaabo ….” 

Suaashaas jawaabteedu way iska cadahay oo inta u dhaxaysa Burco iyo Ceerigaabo ee ay wadaadaasi sii dhex maraysaa waa beel gaar ah ama 90/100 ay badan tahay. Markaas beeshu waxay ka faaiidaysanaysa awooda Dawladnimo inta ay gacanteeda ku jirto sida ay dhica awood karodhsiga iyo dhaqala abuurka ugu hawlan tahay. 

Dhinaca kale dawladu waxay curyamin iyo hakad saartay wadooyinkii dadku iskood u watay oo ay balanqaadyo u samaysay aan fulin si ay hakad u geliso xawligii isku tashiga oo iyadda loogu xidhnaadu. Waxay bilowday sheeko geel jirihii ahaa Khiyamadda ma ku baraa iyo horta hashaada iisoo lis. taas oo ah horta wadda Ceerigaabo wax ku soo darso. 

Qorsha labaadna waa kala jebbinta HARYOONIS BARI IYO GALBEED IN AY ISKU SEEGAAN LABADA WADO halkaasna uu Siiraanyo/Xirsi ka helo cod iyo taageero HY sanaag. 

Beesha HJ waxay leedahay tujaarta ugu jeebka roon waddanka (Ina xarbi, Inadha Deero, Dahabshiil IWM) waxay kale oo leedhay sanduuqa ugu kaydka badan oo lagu shubayey dhaqaalaha dalka iyo qaadhaanka qofeedba kaas ah sanduuqa GARADAG ee danta beesha (siyaasadda) oo kafaynkara maanta in wax laga qabto dhinaca horumarinta deegaan beesha iyadoon la soo dawarsan beelaha kale iyo danyarta shaqalaha ah.
 

Fikirkii saliimkana haa ee waddadda dhaqalaha ee Ceerigaabo – Berbera waxaa soo jeediyey Pro. Gees bal qabso wadaasi waxay iyana isku xidhilahayd degaan HJ iyo Berbera lakiin dalka oo dhan ayey faaiido u ahaan lahayd umaduna waxay ku eegi lahayd il dhaqaale kobcin qaadhaana way ka geysan lahayd waayo wax siyaasad ah baan ku jirin. 

Anigu markaan rog roggay dhaqalaha ay soo kordhinkarto wadadda Cerigaabo – Burco waxay tahay in gawaadhida faraha badan ee Indho Deero ay si sahlan adhiga uga soo qaadan Ban cadde (Saraar) iyo Ceerigaabo, raashinkana si dhakhso ah u geeyaan intaan doonya maydh soo xidhan (kkkk waa dagaal dhina tartanka dhaqalaha ah). Uma jeedo in aan Indha Deero dacaayadeeyo laakin waa aragti haba jabnaatee.

Inta kaleya ee aan Indha Deero ugu soo qaaday halkan wuxuu ku jiraa Tujaarta waaweyn ee dalka ilaa Kaaryonah kootadda ku haysta ee suuqa ka saaray danyartii miiska iyo macal qabadka lahayd sida Dahabshiilba ula soo bahay dhaqan ka ah anba waan ku jiraa qorshahaas.

Tujaartaas HJ kama liitaan Omer Caydiid oo 1.4 milyan Doolar ku dasadday wadada Salaxley culaykiina danyarta la saarilahaana dusha u ritay keligii.Miyaa Dahabshiil + Ina xarbi + Inadha Deero + Cumaani ma kari kari waayeyn in ay intaa in leeg midkiiba ku darso cari habar jeclo? Maxaa caruurta dugsiyadda dhigta loo kalifayaa ee aan qaarkood soo quraancan soo xaajadu maaha hoosta ka sumuni dusha ka caantayn ( heshiiskii iibka biyaha baraagta tuuladda ee Sh. Xasan eesh qiyaasak!).

Geba gebadii waddadda Ceerigaabo waa hawl u taal Sanaag Galbeed iyo Togdheer Bari dawladuna saamiga ay ku caawiso wadooyinka kale ( per Km) hagu caawiso, dalkana haw cadaalad samayso. waana in la raaciyaa wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Maydh hagaajinteeda.

 Waa run in ay tahay wadada ceerigaabo jid loo bahan yahay nolosha bulshadda degaamaddasna wax ka badelaysa sida wadooyinka kale weliba sahlaysa isku xidhka goboladda dalka iyo ceerigaabo marka qorshe qarimo oo hufnaan iyo sinan ku dhisan lagu jaangooyo.

Waxaa lagama maar maan ah in la iskaga yimaad toosinta iyo soo noolaynta yididiiladda qaranimo ee tasowday sida ugu dhakhsaha badan loona ajiibbo gogosha furan ee Tashi Qaran oo aan anigu u arko in ay tahay samata bixinta iyo isa sixideena qarananimo.

Wa bilaahi Tawfiiq

Mohamoud Hassan Arrale.