Nuxurka Qodobbo Ka Soo Baxay Kulammo Warbaahinta Madaxa-Bannaan Uga Socday Hargeysa

(SM:Hargaysa)  Kulammo maalmihii u dambeeyey u socday Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa laga soo saaray qodobbo kooban oo wax-tar u noqon kara habsami-u-socodka hawlaha Warbaahinta, horumarka iyo higsigooda mustaqbalka.

 

War-Saxaafadeed qoraal ah oo gunaanadkii kulammadaas oo Khamiistii ku ekeyd xalay laga soo saaray, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha kulammadaas lagaga wadahadlay, ujeeddada laga lahaa iyo go’aammada la iskula qaatay, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

 

 

“Kulammo is daba joog ahaa oo ay Guddoomiyayaasha, Mulkiilayaasha iyo Tafatirayaasha Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland ku lahayd Caasimadda Hargeysa ayay kaga doodeen Mustaqbalka Saxaafadda Somaliland iyo sidii loo Sixi lahaa Mushkiladaha Hor yaala waxaanay go’aamiyeen Laba qoddob oo kala ah:-

 

 

 

1. Waxa la magacaabay Guddi ka kooban Afar Xubnood oo la socda, ilaaliya, isla markaana talo ka soo jeediya wararka iyo Barnaamijyadda Saxaafadda Madaxa-bannaani baahiso iyagoo ku so bandhigi doona kulammada kale ee loo ballansan yahay.

 

 

2. In Saxaafadda Madax-bannaan fursad loo siiyo in ay isa-saxdo, isla markaana laga joojiyo wax kasta oo carqalad ku keeni kara sida Siminnaaro loo abaabulayo Xeerka Saxaafadda iyo tallaabooyinka kale ee dhibaatada u keeni kara.

 

 

 

Sida ka soo baxday Dooddii Saxaafaddu ku yeelatay kulankoodii u danbeeyay ee Khamiistii ku qabsoomay Hotel Xaraf, waxa ka soo baxay Macluumaad iyo Xogo la xidhiidha Guddi saddex xubnood ka koobnay oo muddo laba Bilood ku dhaw daraasaynaysay Wararka Taban ee Warbaahintu qorto, kaasoo wax wayn ka taray ujeeddadii looga Gol lahaa in ay Saxaafaddu dhexdeeda ka saxdo qaladaadkeeda.”

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday