Odayaal iyo waxgarad xukumadda Somaliland ka dalbaday in Baligibadle media talaabo laga qaado.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (SM)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Somaliland ayaa beeniyey war ay Shabakadda Bali-gudbadle Media ka qoreen Siciid Axmed Jaamac oo muwaadin reer Somaliland ah oo ku sheegeen inay Al shabaab u magacowday gudoomiyaha Baraawe.

Shir jaraa’id oo odayaashani maanta galab ku qabteen Hoteel shiraaqle ee magaaladda Hargeysa ayey ku sheegeen in muwaadinkaasi lagula kacay fal dil ah, isla markaana war aan jirin laga qoray,waxaanay xukuumadda ka dalbadeen inay arrintaasi wax ka qabato si aanay dadka shacabka ahi iskugu dhicin.

Maamulaha laanta Burco ee shirkadda Afrikaan Online Siciid Axmed Jaamac oo ah muwaadinka warka beenta ah laga qoray ayaa sheegay in aanay warkaasi waxba ka jirin, isla markaana sharciga la tiigsan doono cidiii warkaasi qortay, isagoo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaanu shirkan u qabanaynaa war ku soo baxay Balligubadle Media oo ay qortay bishan sideedeeddii ay aniga oo ah Siciid Axmed Jaamac ay leedahay waxa uu markii hore joogay Hargeysa waxaana imika loo magacaabay taliyaha AL-SHABAAB ee magaaladda Baraawe, runtii waa wax aad loola yaabbo, been abuur intaas leeg, anigoo ku sugnaa labadii bilood ee u dambeeyey magaaladda Hargeysa dadkii warkaasi maqlay aad ayay ula yaabeen, waana arrin qofka niyad ahaan iyo maskax ahaan lagu dhibaataynayo,sidaa awgeed waxaanu maanta halkan ka beeninaynaa warkaasi inuu warkaasi yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, Aniguna aan ahay siciid Axmed Jaarka lagu qoray mareegtaasi.”

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
“Waxaan soo jeedinayaa in dadka waxaas beenta ah iga qoray ee sharaftaydii wax u dhimay in sharciga la ii horkeeno oo la iiga jaro dhibaatada ay ii geysteen.waxa kale oo nasiib darro ah in ay igu lifaaqeen magaca shirkadda Afrika Online oo ay yidhaahdeen waa maamuleheedii guud taasina aanay waxba ka jirin, maamulihii shirkada waa la yaqaanaa oo anigu qayb baan ka ahay oo odayaasha shirkada ayaan ahay, marka been abuurkaasi wuxuu wax u dhimay sharaftaydii, tii shirkada, waxaan u mari doonaa dariiqooyinka loo maro, waxaan u sheegayaa muslimiinta iyo dadweynaha in arrintaasi tahay mid been abuur ah oo ay tahay cadaawad badheedh ah oo layla beegsaday naftayda iyo maalkaygii, marka waxa loo baahan yahay in qofka cirdigiisa iyo maalkiisa la ilaaliyo,” ayuu yidhi Siciid Axmed Jaar.

Jaamac Cabdi oo ka mid ah waxgaradka beesha uu ka soo jeeddo muwaadinkani ayaa yidhi “Waxaan cadaynayaa in sheekh Siciid Axmed waxa ay ka qortay shabakada Bali-gubadle Media ay tahay been aanay waxba ka jirin. waxaan leeyahay saxaafada aan xafiiska lahayn ee gaadhiga lugu siddo ee beenta suuqa ka soo ururiya, waxaan ka codsanayaa xukuumada inay tallaabo ka qaado dadkan beenta ka sheegaya dadka madaxda iyo culimadda ah ayaan ka codsanaynaa hay’adaha nabadgalyada ee og in aanu siciid waxaasi gali Karin oo xog ogaalka u ah.”

Oday Siciid Cabdi waxa uu xukuumadda ku booriyay inay tallaabo ka qaado shabakadaasi oo uu ku eedeeyay inay dhaawacday sharafta muwaadinkaas aan wax dambi ah ka gelin dalkiisa. Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir oo shirkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan halkan ku beeninaynaa war uu qoray Balligubadle media anigu odhan maayo baligudbadle ee waa Beenaale Media, ayeynu galabta u bixinaynaa, wuxuu qoray websitkaasi war deg deg ah oo uu sheegay in Siciid Axmed Jaar oo ah ninkan i ag fadhiyaa loo magacaabay gudoomiyaha Al-shabaab ee Baraawe, wuxuu intaas ku daray in ninkaasi oo ayaamo ka hor Hargeysa joogay ayaa imikana buu yidhi ka hawl galay halkii loo magacaabay oo uu hadda Baraawe ku sugan yahay. Shabakada dadka sidaas u wanjalaysa waa beenaale Media.”

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
“Markaa dawlada waxaan ka codsanaynaa inay wax ka qabato arrintan oo kale oo ay sharciga soo taagto cidii masuuliyadda ka ahayd shabakadan,”ayuu yidhi Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir. Xariir Jaamac Yaasiin oo ka mid ah Odayaasha Somaliland ayaa isna arrintaasi si weyn u beeniyey kuna baaqay inay xukuumaddu ay tallaabo ka qaado falka warkaas been abuurka ah ee lagu dhaawacay muwaadinkaasi karaamada leh.

Salaanmedia/Hargeysa