Ogaysiis Ku Socda Dadweynaha Degan Dalka Norway Oo Ku Aadan Maamulka Shirkadda Kaluumaysiga Ee Pontus Marine Oo Kulan Xog-warana Ku Qabanaya 05.10.2013 Magaalada Oslo.

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan Jaaliyadaha ka soo jeeda degaamada Somalidu degto ee ku dhaqan dalka Norway, in maamulka shirkada Kaluumaysiga ee Pontus Marine oo uu hogaaminayo maalqabeenka Maxamed Yuusuf Cali Guray ay05.10.2013 magaalada Oslo ku qaban doonaan kulan ay kaga xog-waramayaan hawlaha shaqo ee shirkadda iyo fursada maalgashi ee ka banaan.

Goobta kulanku waaTøyenbekken 5, Grønland Oslo. Saacada Afarta Galabnimo illaa Siddeeda Fiidnimo (kl.16 – 20).

 

Wixii faahfaahina kala xidhiidh:

Xasan Baaruud Tel. 46355038

Cabdirisaaq Fadal Tel.45803979

Baashe Muuse Tel. 90135446

 

Xog kooban oo ku saabsan shirkadda Pontus Marine:

Pontus Marine Ltd waa shirkad cusub oo ka shaqeyn doonta soo saarista Kalluunka iyo iibgayntiisaba, saldhigeedu noqon doona Somaliland siiba magaalooyinka Maydh iyo Berbera. Shirkadu waxay soo dhaweynaysaa maalgashiga muwaadin kasta oo reer Somaliland ah iyo degaanada kale ee Somalidaba.

  • Markaa hore usoo gaadh oo iibso saamiyada furan ee ay shirkada Pontus Marine Ltd hadda soo bandhigtay.
  • Ka faa’iidayso oo yaanay ku dhaafin maadaama uu wakhtiga iyo saamiga ay shirkada Pontus Marine Ltd iibineysaaba xadidan yahay.
  • Waa fursad qaali ah oo uu si cilmiyeysan u daadihinayo ganacsadaha caanka ah Mudane Maxamed Yuusuf Cali Guray.
  • Sidoo kale waxa maamulaya khubaro caalami ah oo ku xeeldheer cilmiga Badaha iyo Kaluumaysiga. 

Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha maalgashiga shirkada Pontus Marine Ltd, fadlan ka soo qaybgal kulanka maalinta sabtida ee 05.10.2013.

Â