OGEYSIIS…GARABKA HAWEENKA EE XISBIGA WADDANI UK OO XAFLAD

image
GARABKA HAWEENKA EE XISBIGA WADDANI UK OO XAFLAD MARTIQAAD IYO IS-BARASHO AH U SAMEYNAYA DHAMAAN XUBNAHA IYO TAAGEERAYAASHA XISBIGA WADDANI RAG IYO HAWEENBA.
Waxaa sharaf noo ah in anagoo ah Garabka Haweenka ee Xisbiga Waddani UK aanu idinku martiqaadno kulan is-barasho oonu ugu talogalay dhamaanba Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga ee UK rag iyo haweenba. Waxaanu gacmo furan ku soo showeynaynaa dhamaanba xubnaha gobalada oonu ka rajeynayno inay si mug leh noogala soo qayb-galaan Xafladan.
Xafladani waxay ku saabsanaan doontaa Is-barasho, Is-waraysi, Wada-tashi, U diyaargarowga Gudoomiye A/rahman Ciro oo la filayo inuu dhowaan Waddankan soo gaadho iyo sidii aynu uga midho-dhalin lahayn Hadafka iyo Himilooyinka waxqabad ee Laan-ahaan inoo yaala la inagana sugayo “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”.Xafladani waxay u furan tahay oonu si diiran ugu soo dhoweyn doonaa dhamaanba xubnaha danaynaya inay ka mid noqdaan amaba ku soo biiraan Xisbiga Waddani. Hadaba Hadaanu nahay Hablihii Xisbiga waxaan idinka codsanaynaa inaad si mug leh noogala soo qayb-gashaan Xafladan oo noqon doona mid taariikhi ah.

Hadaba Balanteenu waa:
Address: 95 Bloemfontein Road
London. W12 7DA.

Date: Sabti, 02/11/2013

Time: 18:00 – 23:59. (6 -12 pm).

Waxii tafaasiilaad dheeraad ah fadlan kala xidhiidha:

1) Fa’isa Faarah (Suusle):079083832536.
2) Kaltun (Takar): 07949915491.
3) Deqa Yusuf Nur: 07957603869.
4) Ahmed Hassan: 07832 849904. 5) Nagiib Osman: 07942 884154.

Mahadsanidin

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane, Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London.

2A9B6E3E-294D-40B9-BC70-46BC357F7622AAF3D91B-68C1-4297-B040-907188C0557D